Darlington Foundation ayaa Casho Sharaf u fidiyey arday badan

0
96

Warbihin: Darlington-GacmadheereFoundation

WP_20170130_18_39_49_Pro (1)

Ururka Darlington-Gacmadheere Foundation ayaa 30kii/1/2017 casho sharaf kumarti qaaday ardayda uu ururkaasi taageero.

Martqiqaadkaa soo ka dhacay hotelka Fish and Steak ee magaalada Hargaysa ayaawaxa ka soo qayb galay madaxda sare ee ururka oo kala ah: Mr. Richard Sills iyoxaaskiisa Dr. Susan Sills oo ka yimi waddanka Ingiriiska si ay ula kulmaan ardaydaiyo madaxda kale ee ururka iyo Md.Iid Calisalan oo isagu lahaa hindisihii laguaasaasay ururkan lagu taageerayo ardayda xagga wax-barashada ugu fiicanSomaliland.Sidoo kale waxa iyana madashaa casho sharafta ahayd ka soo qaybgalay ardaydaururka ka tirsan oo ay ka mid yihiin kuwo qalin jebiyay iyo qaar wali badan kooda ay weli wax-barashadu u socoto iyaga oo isaga kala yimi magaalooyiinka Boorama, Hargaysa iyo Burco oo Jaamacadaha kala dhigta.

Kulan kaasi casho-sharafta ahaa waxaa ugu horrayntii furay Md. Iid Cali salan isagaoo xusay Mr. R R Darlington (1919-2007), oo ah ninka ururkan loogu magac daray, ahaana maamulihii u horreeyay ee dugsigii sare ee Camuud, markii danbenamaamule ka noqday dugsigii sare ee Sheekh xilligii Ingiriiska, halkaa soo aywax kubarteen dad badan oo manta ka dhexmuuqda ummadda reer Somaliland oo uu uguhorreeyo madaxwaynaha talada dalka haya ee Md. Axmed Maxamed Maxamuud“Siilaanyo”.Md. Iid Cali salan oo isaga laftiisu ahaa ardaydii uu macallinka u ahaa Mr R RDarlington, markii danbena wax ku soo bartay waddanka Maraykanka iyo Ingriskaayaa waxa uu ardaydii kulanka ka soo qayb-gashay u faah-faahiyay ujeedada kadanbaysa ururkan iyo sida loogu baahanyahay in ay shamaca aqoonta u ifiyaandadkooda iyo dalkooda. Waxanu ka Hadley ujeedadeyinka loo aasaasay Darlington Gacmadheere Foundation oo ah saddexdan qodob ee hoos ku qoran:

▪ In laga caawiyo dhanka dhaqaaleha talooyina lasiiyo ardaydaSomaliland si eey uga helane Jaamacadaha Somaliland waxbarashohaboon
▪ Horumarinta iyo kobcinta waxbarashada Somaliland
▪ Dhiiri galinta iyo isku xidhka dadweynaha ee xidhidhkii hore eetaarikhiga ahaa ee boqortooyada ingriiska iyo Somaliland kadhexeeyay. Md. Iid Cali salan sidoo kale waxa uu ka warramay sida ayu soo xushaan ardaydaay qaadanayaan, Waxa uu sheegay inaan ardayda loo eegin marnaba weji, reer, lab mise dheddig iwm, balse sida keliya ee ay ku doortaan ay tahay in ardaygu wax-barashada ku wanaagsan yahay, kow, laba inuu u baahan yahay fursaddan oo aanuheli Karin inuu iska bixiyo fee-ga jaamacadda.Waxaana uu sheegay in ardayda ay taageeraan ay ka soo kala jeedaan dhammaan gobollada Somaliland, min bari ilaagalbeed, laga soo bilaabo Badhan, Ceerigaabo, Laascaanood, Buuhoodle, Burco, Berbera, Hargaysa, Balli-gubadle, Gabilay, ilaa Boorama.

Intaas ka dib waxa madashaas hadal ka jeediyay Mr. Richard Sills oo hadda ah madaxa ururkan, adeerna uu u ahaa Mr. RR Darlington. Mr Richard Sills waxa uu kasheekeeyay sidii uu adeerkii RR Darlington ku bartay dadka Soomaalida taasooahayd xilligii ay askartii reer Somaliland kaga qayb galeen waddanka Burma dagaalkii labaad ee adduunka 1940-maadkii. Mr RR Darlington waxa aad u soo jiitaydhaqanka iyo geesinnimada soomaalida, Markii uu dagaalkii dhamaaday, RR Darlington waxa uu ku noqday waddankiisii Ingiriiska isagoo waxbarashadiisii, oodagaalku ka kala gooyay sii watay. Markii uu waxbarashadiisii soo dhammaystay RR Darlington waxa uu go’aansaday inuu wakhtigiisa ku bixiyo sidii uu ardayda reerSomaliland wax u bari lahaa, isla markaana waxa uu u soo guuray Somaliland isagoo maamule ka noqday dugsiyadii sare ee Camuud iyo Sheekh.

Mr Richard Sills Sidoo kale wuxuu ardayda ugu bushaareeyay marka ay dhammaystaan wax barashada Jaamacadda heerka “degree”-ga in ay fursado waxbarasho oo bilaash ah ka heli karaan Jaamacadda Cambrigde Universtiy ee ku taallawaddanka Ingiriiska, haddii ay ka gudbaan imtixaanaadka lagu galo Jaamacaddaas.Waxa iyana kulankaas kelmado mahad-naq iyo bogaadin ah ka soo jeediyay 4 ardayoo ku hadlayay afka ardayda ururka Salma Xassan Cismaan oo ah ardayadCaafimaadka ka barata Jaamacadda Hargaysa kuna jirta sannadka 4aad, oo uguhorrayn madashaas ardayda uga hadashay ayaa sheegtay sida ay ugu farax san tahay in uu ururka Darlington-Gacmadheere Foundation ka taageero xaggawaxbarashada iyo sidii ay mustaqbalkooda u higsan lahaayeen.

Ismaaciil Maxamed Xirsi, oo isna dhigta isla Kulliyadda Caafimaadka eeJaamacadda Hargaysa sannadka 3aad ayaa isna mahad naq iyo bogaadin ka dib waxa uu sheegay sida ayu guddoomeen farriinta ururka ee ah inay shamacaaqoonta u ifiyaan dadkooda, diyaarna ugu yihiin inay ilayska aqoonta ku hagaanummaddooda.Isna waxaa ka hadlay Xasan Kayse Ismaaciil oo dhigta Jaamacada Gollis eehargaysa bartana telecominication Engineering-ka kuna jira sanadkii ugu danbeeyayisago ka mid ah ardayda ururka waxaanu u mahad celiyay dhamaan cid kasta oo u taagan ururkan hawlihiisa. Sidoo kale waxa madashaa ka hadlay Cabdinaasir NuurIbraahin oo isna Caafimaadka ka dhigta Jaamacadda Camuud kuna jira sannadka4aad oo isagu habeenkaas Hargaysa u yimi sidii uu uga qaybgeli lahaa kulankan. Cabdinaasir waxa uu cabbiray dareenkiisa farxadeed ee ka dhashay inuu ka mid yahay ardayda ururkan, isaga oo umahad-celiyay cidkasta oo u taagan ururkanhawlihiisa.Dhinaca kale arday ka mid ah lodadkii u horreeyay ee ururku qaabilo, waxbarashoahaanna taageero oo hadda Jaamacadda ka qalin jebiyay ayaa iyana ka soo qaybgalay madasha. Farxaan Cali Farah (Farxaan-dheere) oo ka qalin jebiyay KulliyaddaDhaqaalaha ee Jaamacadda Burco sannadkii 2015 haddana ka ah Madax Suuq-gayneed (Sales Manager) shirkada wayn ee sharaabka Somaliland (SBI) oo kuhadlay afka ardaydii qalin jebisay ee ururka ayaa sidiiran uga sheekeeyaytaageeradii uu ururka Darlington-Gacmadheere Foundation siin jiray intii uuJaamacadda dhiganayay, isaga oo siduu sheegay diyaar u ah manta oo uu shaqo-galay inuu gacan-qabto intii karaan kiisa ah ardayda ururka ee qalin-jebisay.

Dhammaan dadkii madashaas ka hadlay waxaaanay ku kala baydhin in ay u mahad-naqaan Nasra Jaamac Cabdillaahi oo ka tirsanayd ardaydii ugu horraysay ee ururkuqaabilo sannadkii 2011 kana baxday Jaamacadda Hargeisa sannadkii 2015, ooiyadu si hawl-kar nimo leh isaga xil-saartay sidii ay u soo agaasimi lahayd madashanisuguna keen ilahayd ardayda ururka Darlington Gacmadheere Foundation. Nasrawaxey aheyd ardeyadii u sareysay ardayadii ka qalinjabiyey SchooladaSomaliland sanadkii 2011.

Ugu danbayntii waxa xusid mudan in tirade ardayda ururkan ee ka qalin-jebisayJaamacadaha dalka 2-dii sano ee u danbaysay ay gaadhayaan 9 arday oo isugu jirainnamo iyo hablo qaarkoodna hadda shaqeeyaan sida Farxaan Farah. Halkaardayda wakhti-xaadirkan ururku caawiyaa ee dhigta Jaamacadaha Somaliland ay gaadhayaan 31 arday. Iyada oo afar-iyo-toban (14) ka mid ah ardaydani ay kabartaan Dhakhtarnimada Kulliyadaha Caafimaadka iyo Qalliinka ee JaamacaddaHargaysa, Jaamacadda Gollis iyo Jaamacadda Camuud, halka ay kow-iyo-toban(11) kalena dhigtaan kulliyadaha Engineering-ka iyo Science-ka inta soo hadhaynaCuluumta kale ee lagu barto Jaamacadaha, sida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga  Sannad dugsiyeed walba waxa uu ururku qaataa 8 arday oo cusub iyadooqorshuhuna yahay in tirade intaas laga sii badiyo haddii loo helo dhaqaale fiican. Wixii kale ee warah waxaad ka heleysa website ka Foundation ka oo ah: www.darlington gacmadheerefoundation.org.

Waheen Media group

London