Cabdiraxman Cirro iyo Saleeban Gaal oo ka Hadlay Dalabka Siilaanyo ee fadhiga labada Golle

0
111

scHargeysa(Waaheen)  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  ayaa waxa uu ka hadlay Nuxurka warqad uu madaxwaynaha Somaliland kaga codsanaayo labada gole qaran ee Guurtida iyo Wakiiladu in ay iskugu yimaadaan fadhi wada jir ah.

Gudoomiye Ciro waxa uu sheegay in ay jirto warqadaasi balse aanay lahayn wax ajande ah oo ay ka hadlay oo ku qaran Warqada isla markaana ay ka warsugayaan Madaxwyanaha Kulanka uu iskugu yeedhey.

“Way jirtaa codsi ka yimi Madaxwaynaha oo uu iskugu yeedhey labada gole laakiin wax ku qoran oo ajande ahi Saldhigna kuma qorna wax kalena kuma qorna arimo nabad galyo in laga hadlaayo ayaa ku qoran markaa maraaku ajandaha ogaano ayuunbaanu ka hadli karnaa,”

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan ayaa isaguna ka hadlay Warqada uu Madaxweynuhu kaga codsanaayo labada gole qaran fadhiga deg deg ah, waxanau ku gaabsaday in uu madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu isku yeedho labbada Golle, basle waxa uu sheegay in markaasi uun la ogan doono wuxu waddo Madaxweynuhu.