Waftigii Somaliland u Matalayey Wadahadala Khaatumo oo Hargeysa ka Dhoofay iyo Cali Khaliif oo ay Diyaarada sii wada raaceen

0
121

 

FaysalHargeysa (Waaheen) Waftigii u qaabilsanaa Somaliland waddahadalada Khaatumo iyo Somaliland ayaa saaka ka Dhoofay Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa, Wafti oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Beeraha, Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire oo isagu waftiga ka sii horeyey kuna sugan Jabuuti.

Waftigan ayaa Diyaarad sii wadda Raacay Cali Khaliif Galaydh Hogaamiyaha Khaatumo oo shalay loo diiday in uu ka dhoofo Buhoodle, waftiga ayaa waxa ay raaceen Diyaarada jabuuti Airline.