Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Ka Qeyb-galay Aas-qaran oo Hargeysa Looggu Sameeyey Marxuum/Ganacsade Ibraahim Nabaadiid

0
135

WWWWWWWWWWWWWHargeysa(Waaheen):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo magaalada Hargeysa looggu sameeyey Marxuum/Ganacsade Ibraahim Maxamed Xasan (Nabaadiid) oo xanuun muddooyinkii dambe uu ujiifay awgeed.

Aaskan qaran ee loo sameeyey Marxuum Ibraahim Nabaadiid, ayaa waxa kale oo ka soo qeyb-galay siyaasiyiin, xildhibbaano, ganacsato, aqoonyahan, wax-garad, madax-dhaqameed, ehelkii, qaraabaddii, asxaab iyo weli ba dadweyne aad u tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u diraayo ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu Eebe uga rajeeyey in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu janatul Fardowsa ka waraabiyo.

“INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN, waxa aynu u joognaa oo tacsiyadeynaynaa geeridii ku timi Ibraahim Nabaadiid oo ahaa nin weyn oo reer Somaliland ahaa, waxa aynu Ilaaahay uga baryeynaa in uu u naxariisto, Illaahay ha u naxariisto, Ilaahay dambi dhaaf ha siiyo, Ilaahay na dhammaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Waxa aan si gaara u sii tacsiyadeynayaa caruurtiisii iyo qoysaskiisii iyo weli ba guud ahaan shacabka Somaliland.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).