Hay’add IPRT oo Aqoons Isweydaarsi ku Saabsan Anshaxa Saxaafadda iyo Doorashooyinka u Furtay 20 Suxufi

0
110

Hargeisa (Waaheen)Hay’adda IPRT ayaa aqoon isweydaarsi ku saabsan anshaxa saxaafadda iyo wartebinta doorashooyinka u u qabatay 20 saxafi. Saxafiyiintan oo ka socda hay’addaha warbaahina kala duwan ee dalka ka hawlgala, ayaa Hotel Maansoor uu ugu furmay tababar, gaar ahaan barnaamuj-soo-saarayaasha iyo qaar ka tirsan tifatirayaasha wargeysyadda. Aqoon isweydaarsigan ayaa waxa maalgaliyay hay’adda IMS-FOJO.Kulankan ayaa furitaankiisii ay ka soo qaybgaleen Wasiiru-Dawlaha Warfaafinta, Mud. Maxamed Axmed Aadan, Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Mud. Axmed Abokor, Guddoomiyaha Daladda Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Mud. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka HRC, Mud. Guuleed Axmed Dafac iyo marti-sharaf kale.

DSC_0194

Ugu horrayn, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Mashaariicda IPRT, Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi, oo ka warbixiyay ujeedada aqoons isweydaarsigan, “IPRT waxay in badan ka shaqanaysay horumarinta saxaafadda. Tababarkani wuxuu ku saabsan yahay anshaxa saxaafadda gaar ahaan wakhtiga doorashooyinka lagu jiro. Waxaan rajaynaynaa in aad ka faa’idaysan doontaan. Waxa tababarkan si gaar ah diiradda u saarayaa shaqadda barnaamuj-soo-saarayaasha.”

Waxa isna halkaasi ka hadlay, Mud. Guuleed Axmed oo ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay inay saxaafaddu ilaaliso jiritaanka qaranka, iyagoo baranaya xuquuqda ay leeyihiin iyo sidoo kale waajibaadka saaran. Waxaanu soo jeediyay in tababaradda noocan oo kale ah loo baahan yahay, maadaama oo ay xili lagu jiro xasaasi oo doorashooyin loo diyaar-garaabayo.

Mud. Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto”, Guddoomiyaha SOLJA, ayaa ka warbixiyay in ka SOLJA ahaan ay markastaba u taagan yihiin horumarinta saxaafadda. Tababaradda noocan oo kale ahina ay yihiin kuwo u dan ah guud ahaan qaranka. Waxaanu kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha inay ka fa’idaystaan.IPRT

Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Mud. Axmed Abokor, ayaa sheegay inay siyaasadda wasaaradda ay tahay inay warbaahintu madaxbannaanaato, ayna madaxbannaanaan doonto, laakiin loo baahan yahay inay saxaafaddu shuruucda dalka u yaala barato isla markaana ku dhaqanto. Waxaanu soo jeediyay in tababaradda noocan oo kale la sii joogteeyo. Waxaanu hadalka ku soo dhaweeyay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta Mud. Maxamed Axmed Aadan.

Mud. Maxamed Axmed Aadan ayaa si rasmi ah u furay tababarka. Waxaanu kula dardaarmay sidoo kale inay aqoonta halkan ay ku bartaan uga fa’iideeyaan asxaabtooda kale.

Waxa halkaasi casharo wax ka ool oo ka saabsan doorashooyinka iyo ashaxa saxaafadda ka jeediyay Yonis Cali Nuur, oo ka mid ah khubaradda waaweyn ee dhinaca saxaafadda Somaliland.IPRT Somaliland