Maxaa sababay in qiimaha lacagta Shillingku hoos u dhaco sideese sare loogu qaadi karaa? Hordhac

0
213

CALI IQiimaha lacagta dalka ee shillingka ayaa mudooyinkii u danbeeyay aad hoos ugu dhacay iyada oo sarifka shillingka ee halka Dollar gaadhay 8,000slsh ilaa 9,000slsh maalmihii ugu danbeeyay. Baanka dhexe ee dalka oo dawlada u qaabilsan illaalinta lacagta dalka ayaa aad ula tacaalayay, nasiibdaro dhibaatooyinka horyaalay ayaa intooda badan mudo kooban aan waxba lagaga qaban karayn. Xukuumada ayaa soo saartay amar ah in aan lagu isticmaali Karin wax ka yar $100 lacagta lagu qaado moobilada iyada oo uga dan leh inay sare u qaado isticmaalka lacagta dalka si qiimaha lacagta shillingku sare ugu kaco. Waa talaabo fiican oo wax ka qaban karaysa qiimo dhaca lacagta dalka laakiin ma noqon karto xal lagaga nasto qiimo dhaca soo noqnoqanaya ee lacagta dalka. Waxaan maqaalkan kaga hadlayaa sababta keenta in lacagta dalka ee shillingku hoos ugu dhaco inbadan iyo sida wax looga qaban karo.

Maxaa sababay in lacagta dalka hoos u dhac weyni ku yimaado

Sida caadiga ah lacagta dal leeyahay waxyaalo badan ayaa hoos u dhiga, marka loo eego dalkeenana waxba kama duwana. Sadexdan qodob ayaan odhan karaa dhibaatadan iyaga ayaa sababay

  1. 1.      Dawlada oo lacag badan soo daabacday mudooyinkii u danbeeyay. Dawladu waxay lacag soo daabacdaa marka ay dooneyso in kharashka dawlada la kordhiyo si wax looga qabto shaqo la’aanta iyo istaaga ku yimaada suuqa. Talaabadani wakhtiga dhaw (short run) ma keento qiimo dhaca lacagta iyo sixir bararka laakiin wakhti danbe (long run) ee lacagtu ay dadka wada gaadho ayay keentaa. Dawladeenu iyada oo aan aad uga fiirsan ayay lacag badan soo daabacday taasina waxay keentay in xadiga lacagta dalka ee suuqa yaalaa bato kadibna qiimahii lacagta dalku hoos u dhaco.
  2. 2.      Dalka oo wax soo dajintiisu (imports) aad uga ka badanyahay wax dhoofintiisa (exports). Marka ganacsadaheenu doonayo inuu wax soo dajiyo waxa uu suuqa sarifka ka urursadaa lacagta Dollarka si dalka dibadiisa wax uga soo iibsado. Marka lacagta dollarka ee suuqa sarifka taala yaraato waxay keenta in qiimahiisu sare u kaco marka loo eego lacagta dalka. Sidaa cakiskeed, marka dalka wax dhoofintiisu badato waxay keentaa in dalka Dollar badan soo galo kadibna qiimaha Dollarku hoos u dhaco marka loo eego lacagta dalka. Waxa tusaale fiican ah marka la gaadho carafada ee xoolo badan dalka laga dhoofinayo qiimaha lacagta dalku sare ayay u kacdaa halka qiimaha lacagta Dollarku hoos u dhaco oo uu jabo.
  3. 3.      Lacag aan ahayn lacagta dalka (Domestic Currency) oo lagu isticmaalo ganacsiga iyo adeegyada dalka gudihiisa. Dalkeena dhibaatada u weyn ee haysata waa lacagta Dollarka oo noqotay lacagta ugu badan ee lagu isticmaalo suuqyada ganacsiga dalka. Taasi waxay keentay in baahidii loo qabi lahaa shillingku inay hoos u dhacdo oo aan inta bada wax lagu kala iibsan. Zaadka iyo Edahabka Dollarka ahi waa ka qayb arintan waayo waxay xisaabsan yihiin uun Dollar. Sidoo kale qaybahooda Shillingku waa ka qayb marka la eego dariiqa loo maray bixinta adeegan. Hadii lacagta mobileka ee shillingku ay tahay lacag ay iska samaysatay shirkadu waa sida iyaga oo soo daabacay lacag dheeraad ah taasina axadigii lacagta dalka ee suuqa taalay ayay badinaysaa oo qiimaha lacagta dalka ayay hoos u dhigaysaa. Hadii ay lacagta mobileka ee shillingka ka iibsadeen Baanka Dhexe ee dalka oo laga tiriyay lacag shilling ah oo leeg inta ay barnaamijkooda mobileka ee shillingka galiyeen waa sax oo wax dhibaato ah uma leh qiimaha lacagta dalka. Tusaale ahaan, hadii shirkada Telesom ku isticmaalayso lacag dhan 50 million oo shilling ah barnaamijkooda ZAAD shilling, waa in ay ku xareeyaan lacag intaas leeg oo shilling ah Baanka dhexe ee dalka si aanay waxba iskaga bedelin xadigii lacagta shillingka ee suuqyada dalka yaalay.

 

Sadexdan qodob ee aan sare ku tilmaamay waa sadexda ugu weyn ee saamaynta ku leh qiimo dhaca balaadhan ee lacagta dalka.

 

Sidee loo xalin karaa Dhibaatadan

 

Xalka dhibaatadan dhaqaale waa mid sahlan oo u baahan in si taxadir leh wax looga qabto. Waxaan kusoo koobi lahaa labadan qodob ee soo socda

  1. 1.      Dalkeenu wax soo saar badan ma laha oo waxaan dhoofino aad buu u yar yahay marka loo eego waxaan lasoo degno. Xaataa dhoofin iskadaaye waxa dalka lagu isticmaalaa wuxuu u badan yahay wax dalka dibadiisa laga keenay. Tani caqabad weyn ayay ku noqonaysaa in dalkeenu mudooyinka dhaw horumar dhaqaale gaadho, marka la eego xaga qiimaha lacagta dalkana waxay ku keenaysaa in wakhtiba wakhtiga kasii danbeeya qiimaha lacagta dalka marka loo eego Dollarku hoos u socdo. Sida kaliya ee arintan lagu xalin karaa waa in isku dheelitir xaga wax dhoofinta iyo soo dajinta la sameeyo taasina ma muuqato wakhtiyada dhaw. Hadaba, si bal ugu yaraan loo yareeyo dhibaatada waxa fiican in dawladu ay heshiisyo la gasho shirkadaha waaweyn ama dawladaha waaweyn ee soo saara cuntooyinka daruuriga ah si lacagta lagu soo iibsanayaa u yaraato marka loo eego lacagta imika inagaga baxda. Taasi waxay inaga caawin lahayd in qiimo dhaca sarifka lacagta dalka ee wax soo dajinta badani sababtay ay yaraato iyo in qiimaha cuntooyinka daruuriga ahi noqdo mid macquul ah oo ay iska bixin karaan dadka danyarta ahi.
  2. 2.      In dawladu mamnuucdo in lacag aan ahayn ta dalka ee shillingka lagu isticmaalo dalka gudihiisa. Waxa qasab ah in la mamnuuco lacagta Dollarka ee ZAADka iyo Edahabka ee mobileda, sidoo kale waa in lacagaha mobileka ee shillingka ee ku duwaan gashan barnaamijyada labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel laga soo iibsadaa Baanka dhexe oo lacag intaas leeg oo Shilling ah laga shubaa Baanka si xadiga lacagta shillingka ee dalka yaalaa aanu isku badelin. Marka ay dawladu talaabadan qaadayso waa inaanay iska qaadin ee ay eegtaa xadiga Shillingka iyo Dollarka ee suuqa yaala waayo marka la mamnuuco waxay noqonaysaa in dhamaan dadku dal badaan S/land Shilling markaa hadii shillingkii dalka yaalay yaraado oo ku filnaan waayo dadka sarifka dalbanaya waa dhibaato iyo qas dhaqaale.  Talaabadi waa ta ugu fiican ee qiimaha lacagta dalka sare u qaadi karta ee kordhin karta waxa ay jarayso (Purchasing Power) lacagta dalka ee shillingku.

 

 

Gunaanad

Qiimaha lacagta dalka marka loo eego halka Dollar ee wakhti xaadirkan waa in ka badan 8,000slsh.  waxa suuqa ka baxay lacag badan oo dalku lahaa waxaana dhibaato weyn ah in wakhtigan lacagta shillinka ah ee dalka lagu isticmaalaa tahay wixii ka badan 100slsh iyada oo 100slsh aan laba isticmaalin laakiin yahay wali mid wax lagu kala iibsan karo. Hadii dawladu labadan qodob ee talo bixinta ah raacdo waxa imanaysa in qiimaha lacagta dalku aad sare ugu kaco waliba inka badan 100% sanad gudihii. Hadii qiimaha lacagta dalku sare u kacdo in badan waxa imanaysa in inta ay goynayso (Purchasing Power) badato ama marka si kale loo dhigo heerka dhaqaale ee dadka dalka marka si guud loo eego sare u kaco. Waxaan ku kalsoonahay dhamaan shaqaalaha iyo maamulka ku hawlan in ay wax ka qabtaan dhibaatadan sii kordhaysa. Illaahaybaa Mahad leh

Cali Ismaaciil Mire  Falanqeeye xaga Siyaasada iyo Dhaqaalaha ah (Political and Economical Analyst)

Jaamacada Hargeysa

Alimire10@gmail.com