Booliska oo Xidhay Sarkaal Ka Tirsan Shirkadda Telesom

0
110

badeedHargeysa(Waaheen) Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay agaasimaha waaxda horumarinta shirkadda Telesom.

 Md.Cabdiwahaab Maax, ka dib markii uu maalintii shalay idaacadda laanta Afka Somaliga ee BBC d uu u sheegay in ay ka shirkad ahaan qaadaceen go’aankii Xukuumadda Somaliland ay ka soo saartay adeegsiga Zaadka ee lacagta Dollarka.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in sarkaalkani uu hada ku xidhan yahay xarunta dembi baadhista ee C.I.D da, waxaana halkaas lagu weydiinayaan su’aalo la xidhiidha sababta ay hadal mas’uulkaas ka soo yeedhay maalinti shalay.

Xukuumadda Somaliland, ayaa tan iyo markii ay shalay go’aankaas soo saartay waxa ay wararku sheegayaan in ay xidh-xidhay ganacsato tira badan, sarifleyaal iyo weli ba sida oo kale shirkaddo ay kala noqdeen ruqsadahii ganacsiga.