Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka oo dib loo dhigay

0
108

Hargeysa (Waaheen):- Waxaa maanta kulan adag foodka isku darey Madaxweyna Somaliland, Saddexda xisbi qaran, kominshanka Doorashooyinka iyo Guurtida.

Kulankaasi oo ahaa mid saxaafadu dibad joog ka aheyd ayaa waxaa lagaga hadlaayey doorashiyinkii iyo abaarihii oo isku soo beegmay taas oo la isla qaatey in dib loo dhigo

Saddex Xisbi qaran , kominshan dorashooyinka, guurtida iyo madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa ay isla qaateen in doorashadii madaxtooyada dib loo dhigo muddo 7 bilood ah oo ku beegan 10ka bisha 10aad 2017-ka(10-10-2017).

sidoo kale Doorashada Golaha Baarlamaanka iyo Dooraashada Golaha Deegaanaka ayaa loo mudeeyey in la qabto 10-10-2018 oo ku beegan hal sano ka dib doorashada Madaxtooyada

Madaxweyne Siilanyo oo warbaahinta la hadley waxaa uu gudoomiyayaasha saddexda xisbi uu ugu mahad celiyey odeytinada ay sameeyeen