Beesha Caalamka oo Madaxweyne Siilaanyo ku Canaanatay Dib u dhaca Doorashada

0
114

Xukumada Somaliland waxay  ugu baaqday in aanay luminin Ixtiraamka caalamku u hayaan

Hargeysa (Waaheen) Danjiraal ka kala socday Waddamada Faransiiska, Holland, Denmerk,  Irland iyo midawga yurub ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, gudida Abaaraha iyo Saddexda Xisbi qaran.

Ujeedada waftigan ayaa ahayd siddii Doorahsooyinku wakhtigoodu ugu dhici lahayeen iyo u kuurgalida abaaraha ka jira dalka.

Danjiraha Denmerka u qaabilsan Waddamada Keniya, Somaliya, Eretiraya Mss Ket Narsin ayaa sheegtay in qodobada ugu muhiimsan ee Madaxweyne Siilaanyo ay ka wadahadleen ay kala ahaayeen labba qodob oo kala ah Abaaraha iyo Doorashooyinka, waxaanay sheegtay in ay ka qaybqaadanayaan siddii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu ku habsadeen, waxa kale waxay sheegtay in saaxiibada Somaliland ka walaacsan yihiin dib u dhac kasta oo ku yimaada Doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxweynaha, waxa kale oo ay tilmaamantay in madaxweynaha ay la wadaageen in doorashadu ay u dhacdo wakhtiga ugu haboon uguna dhaw, waxa kale oo ay Xukumada Somaliland ugu baaqday in aanay luminin Ixtiraamka caalamku u hayaan Somaliland.

Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somaliya ayaa iyaduna sheegtay in ay madaxweynaha u soo jeediyeen in doorashada wakhtiga ugu muhiimsan in uu ku qabto.

Wasiirka Arrimaah Dibada ee Somaliland  Sacad Cali Shire ayaa isaguna ka hadlay Kulankaasi waxaanu sheegay in Madaxweynaha iyo waftigaasi ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo Abaaraha.