Tiifiga KALSAN oo Raali galin ka Bixiyey Warar ay ka Baahiyey Xisbiga WADDANI

0
81

Maamulka Kalsan waxa uu shaqadii ka Caydhiyey Labadii suxufi ee warkaasi sameyey

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Hargeysa(Waaheen)  Maamulka sare ee telefishanka KALSAN TV ayaa waxaaa uu si cad u beeniyey warar dhawaan laga faafiyey Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro oo sheegayey in kulan qarsoodi ah uu magaalada  Nayroobi  ku dhex Maray Cabdiraxmaan Ciro iyo Mushaax Farmaajo

Yaxye Sheekh Ismaciil Agaaasimaha guud ee geeska Africa waxaa uu cadeeyey in muuqaaladaasi dabo gal badan oo ay sameyeen ka dib ay soo xaqiijiyeen in ay ahayeen qaar la isku kab kabay , sidaas awgeedna aanu ka bixin telefishanka KALSAN TV, isla markaana ay raali galin buuxda ay siinayaan dhinacyada ay khuseyso  ee been abuurka laga faafiyey.

Sidoo kale agaasimuhu waxaa uu sheegay in ay shaqadii ay ka hayeen telefishanka KALSAN TV ay ka caydhiyeen saxafiyiintii falkan ku kacay oo kala ah Maxamed Yuusuf Bakeyle Iyo Cabdirisaaq Yuusuf Cali (Cabdirisaaq  Terra ) ka dib markii ay ku xad gudbeen xeerkii saxafada Somaliland iyo sharafta madaxda dalka.