Madaxweyne Siilaanyo oo Dhaqangaliyey Miisaniyada 2017

0
126

 

 

555555Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed  Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4469/012017, ku meel mariyey dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka. Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-32/710/2017 ee ku taariikhaysan 03/01/2017 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

Wuxuu Soo Saaray: Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.