Marwo Hodan Xusen oo shacabka Somaliland ugu baaqday in ay Qabyaalada iska dayaan

0
118

hoHargeysa(Waaheen) Marwo Hodan Xusen oo ka mid ah Qurbajooga reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqday in ay ilaashadaan midnimadooda isla markana ay ka hortagan wixii kala qaybinaya, waxa kale oo ay ka hadashay falalkii lagu dhawacay dhalinyaro reer Hargeysa.

Hodan waxa kale oo ay dhalinyarada ugu baaqay in ay ka fogaadan qabyaalada oo ay sameystaan  ururo ay ku midooban kana shaqeeyan danta dadkooda iyo dalkooda, waxa kale oo ay xusuusisay halgankii dalka loo soo maray iyo kumayaalkii reer Somaliland ee dalkooda u shihiiday.

Waxa kale oo ay baaq u dirtay qurbajooga kala duwan ee ku dhaqan caalamka oo ay ugu baaqday in ay dadka caawiyaan oo iska dhaafan xisbiyadan qolo waliba xisbi u ololaynayso.

Hodan Xusen oo ka hadlaysa Arrimahaasi waxay tidhi “Marka hore waxaan Salaan u soo dirayaa Shacabka Somaliland, mar labbaada waxaan jecel lahay in aan ka hadlo arrimo runtii nabadgelyada Somaliland wax yeelaya oo ka dhacay dalka, waxaan illaahay ka baryayaa in arrintu isku bedesho nabadgelyo iyo dadka reer Somaliland oo isjecel oo meel ka soo wada jeeda oo hadaf kali ah wadda leh, isla markana ka soo horjeeda qabyaalada isla markana isjecel oo aan cadaw isku ahayn, runtii Inamadii dhawaan la dhawacayna illahay waxaan ka baryayaa in caafimad uu siiyo, runtii falaal fool xun ayey ahaayeen, illaahayna waxaan ka baryaaya in aanay dib u dhicin Falaal noocasi oo kale ah”

 

 

Iyada oo hadalkeedii sii wadatan waxay tidhi. “Xisbiyada Shacabka taageersani waa in ay noqdaan qaar ka fikiraya danta dadkoodii, waa in la gargaara dadka danyarta ah oo la caawiyo Cisbitaalada oo dawooyin la geeyo, wali Cisbitaalka Hargeysa in aad loo caawiyo oo dawooyinka loo badiyo oo Talaajado la geeyo iyo waliba tuulooyinka oo dhakhaatiir yar yar la geeyo oo dadka caafimadkooda laga shaqeeyo oo aanay Hooyada Umusha ahi aan marka ay Umulayso aan Hargeysa loola soo cararin, sidoo kale waa in dadka reer miyiga ah  ceelal loo qodaa si looga hortago abaarahan inagu soo noqnoqonaya”

“Runtii waxaan odhan lahaa  waa in midnimada iyo iskuduubnida shacabka Somaliland laga hadlo laakiin waa in aan laga hadal qabyaalad oo layska dhaafo” ayey tidhi hodan

Hodan waxay baaq u dirtay dhamaan Dhalinyarada Reer Somaliland iyada oo u soo jeedisay in ay dalkooda aaminan oo ay ururo ku midooban oo ay shaqooyinka kala duwan ee dalka ka jira qabtan isla markana aanay sugin uun xafiisyo ay fadhiistan.