Saladiinta Borama Oo Shaaciyey In Ay Kalsoonidii Kala Noqdeen Gudoomiyihii Dhaqanka Awdal

0
121

Waxay sheegen in uu ka Baydhay Jidkii Dhaqanka una Digarogtay siyaasada

 

salaadiinta-borama Hargeysa (Waaheen):- Qaar ka mid ah saladiinta beelaha Samaroon gaar ahaan beesha Makaahiil oo shalay  warbaahinta kula hadley magaaalada Borama ayaaa waxaa ay shaaciyeen in ay kalsoonidii kala noqdeen gudoomiyihii dhaqanka gobalka Awdal Suldaan Dhawan.

Saladiintan ayaa waxaa ay faah faahiyeen sababta ay kalsoonidii ugala noqdeen Suldaan Dhawal waxaan ay sheegen in suldaanku siyaasadii dhex galay oo uu dayacay hawlihiisii isla markaana si cad u shaaciyey in uu siyaasi yahay oo uu dhincii siyaasad dawlada iyo xisbeeda kulmiye ku  biiray .

Sidoo kale madax dhaqameedkani waxaa ay shaaciyeen in aanay jirin gudi ay leedahay beesha Samaroon uu uu gudoomiye ka yahay Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal .

Dhinca kale waxaa ay sheegen saladiintani in la sameeyey gudi gaar oo ay ku mideysan yahiin beelaha Makiil oo gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenba leh.“Waxaanu shacabka gobolka awdal iyo Somalilandba u sheegayna in aanu kalsoonidii kala noqonay Suldan Dhawal ooh ore u ahaa Gudoomiyaha Dhqanka ee Gobolka Awdal, maanta laga bilaabo guddomiye nimo ah, wuxu noqday nin siyaasada ku biiray, dhaqankiina wuu ka leexday”