Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Wadani Haldoor Barkhad oo Xalay Si xun loo Garaacay

0
108

barkhad13Hargeysa(Waaheen)-Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Aqoonyahan Barkhad Jaamac Batuun ayaa, caweysinkii Xalay koox aan la aqoonsani weerar gaadmo ah oo qaawan islamarkaana, dhaawacyo loogu geystey kadib markii laba nin oo aan la garaneynin weerarkaas ku fuliyeen badhtamaha faras Magaalaha Hargeysa isagoo xiligaa kasoo baxey Xafiiska Akadamiga Beelaha Gabooye oo kuyaala gudaha Caasimada.

Weerarkan lala beegsadey aqoonyahan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo ay kasoo gaadheen dhaawacyo wajiga iyo dhafoorada loogu geystey,waxa uu in badan ku mitidey in uu iska difaaco labadan nin oo weerarkoodu ahaa mid qorsheysan oo laga soo shaqeeyay iyadoo ay jiraan dhaawacyo kale oo kasoo gaadhey qeybaha kale ee jidhkiisa ilaa iyo haatana majirto talaabo dhinaca Ciidamada amaanku kaga jawaab celiyeen falkaa foosha xun ee lala beegsadey masuul sare oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,inkastoo Huteelada waaweyn ee Caasimada Hargeysa iyo goobaha ay ku kulmaan dadweynuhu si weyn loogu hadalhayey caawa dhacdadan taas oo lagu xidhiidhinayo in ay daaha dambe ka hagayeen weerarkan Barkhad Jaamac lala beegsadey masuulyiin katirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye.

 

Aqoonyahan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Wadani oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon ee Xisbigaasi ayaa barta uu ku leeyahey Facebook soo dhigay dhacdadan weerarka gaadmada ah ee lala beegsadey isagoo ku sugan gudaha faras Magaalaha Caasimada Hargeysa oo ay usoo badheedheen laba nin oo aanu garaneyn waxaanu sheegay, in aanay waxba ka badeli doonin mowqifkiisa Mucaaridnimo islamarkaana, cabsi galin doonin shakhsi ahaan

“Alxamdulillaah, Alle ayaan mahadinayaa sidaad rabteen ka dhigi waayey quwad iyo qawl nacasyo kaste aan isaga celiyo Alle waa I siiyey labaad soo dirteene 10 ka dhiga bal inaan xaqa ka aamuso. Hargeysa waynu wada joognaa shilin ima gooyo runtana kama baqo tanna I cabsi galin mayso hortiin jiraba igu daal. Waan lugeeyaa waanan lugeynayaa waa inoo Hargeysa weyn caawa calafkeeni kala qaadnay wixii idin gaadhay iyo waxaad ila rabteen”Ayuu hadal kooban oo qoraal ah ku yidhi Barkhad Jaamac Xirsi Batuun Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.

Falalka amni daro ee noocan ah ayaa dhaawac weyn ku ah guud ahaanba xasiloonida iyo Nabedgalyada Somaliland iyadoo,aaney arimo noocan oo kale ahi hore uga soo dhicin in la isku beegsado fikradaha loolanka Xisbiyada Qaranka ee lagu kala aragti duwan yahey, iyadoo dad badani ka xumaadeen in aqoonayahanka xilka ka haya Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani lagu bartilmaameedsadey haybsoocii lagu hayey Beesha uu kasoo jeedo ee Gabooye haseyeeshee fadeexad culus oo qaawan ku noqon doonta cid kasta oo lug ku laheyd weerarkan.

Dhacdadan iyo halka ay ku sal leedahay oo la sheegayey in ay arimo badani ka fashilmeen niskii dambe ee caawa waxaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga dambe.