“Madaxweynuhu Biyo Ayuu Noo Diray Ilaa Biyo La Helana Waanu Dhaliilanahay, In Lana Eryo Ayaanu Istaahilnay” Wasiir Mahdi

0
96

maxresdefaultHargeysa(WAAHEEN)-Wasiirul dawlaha wasaaradda biyaha Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri, ayaa sheegay inay wasaaradda biyuhu dhaliil leedahay ilaa inta dalka biyo laga helayo ee dadka laga haqab tirayo, waxaanu sheegay inay ahayd in masuuliyiinta wasaaradaas xilka laga qaado.

Mahdi Cismaan Buuri, oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Hargeysa ee hadalka cad, ayaa wuxuu sheegay in wasaaradda biyuhu leedahay masuuliyadda haddii qof reer Somaliland ahi biyo la’aan u geeriyoodo. Mahdi wuxuu hadalkan ka sheegay munaasibad xil wareejin ah oo toddobaadkan xilka loogu kala wareejiyay maareeyaha cusub ee wakaaladda biyaha Hargeysa iyo maareeyihii hore.

“Ruuxa biyo la’aan u dhinta dhaaliishiisu waxay saarantahay wasaaradda biyaha Meesha annaga ayaa ka masuul ah ee inaanu ama u beryo tagno ama wax u jafjafno, maadaama madaxweynuhu ahmiyada 1aad iyo 2aad iyo 3aad yidhi waa biyaha  waxa weeye adigaa ayaa ceelka guntiisa joogee waxaad garan weydo inaad afka furato ood tidhaahdo waar waxan wax halag qabto.” ayuu yidhi, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaas raaciyay “Markaas haddaanu nahay wasaaradda biyaha iyo hadday tahay ta’ wasaaradda  ilaa ay shacabka reer Somalialnd helaan biyo ku filan annagu waxaan qabaa inaanu dhaliilanahay, sababtu waxay tahay waa inaanu fikrad keenaa, haddii aanu annagu fikrad keeni kari weyno waxa lano ogolyahay inaanu cid nala talisa u yeedhano oo nidhaahno waar halkaas maxaa laa qabtaa.”

Isagoo ugu dambayn tilmaamaya inay ahayd in masuuliyiinta wasaaradda biyaha la kala diro wuxuu yidhi “Annaga madaxweynuhu biyo ayuu noo diray ilaa biyo la helana waanu dhaliilanahay, in lana eryo ayaanu istaahilnay ee in dadka lanagama reebo may ahayn.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa laakiin wuxuu xilka ka qaaday wasirkii biyaha Baashe Cali Jaamac oo ay is qabteen agaasimaha guud ee wasaaradaas oo ay madaxweynaha isku beel yihiin oo aan isaga xilkii laga qaadin islamarkaana xataa wasaaradda laga bedelin.

Wasiir Baashe ayaa intii aan xilka laga qaadin sheegay in agaasimaha guud ee wasaaraddu isku halaynayo awood reereed.