Xukumada Somaliland Oo Ka Hadashay Go’aanka Dawlada Sacuudigu Ku Joojisay Xoolihii Somaalida.

0
95

cukuseHargeysa(Waaheen) xukumada Somaliland waxa ay maanta ka hadashay go’aankii ay dawlada sucuudigu ku hakisay xoolaha soomaalida ka dib markii ay sheegtay in lagu arkay xannuuno dhawra.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada hargaysa ayaa sheegay in aanu jirin wax xannuun ah oo ay qabaan xoolaha Somaliland isla-markaana iyaga oo kaashanaya haayadaha somaliland kala shaqeeya dhinaca caafimaadka xoolaha ay tuhunkaasi meesha ka saari doonaan.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ugu horeyntii ka hadlaya sida uu dhawaaqani ku soo gaadhaya Wasaaradiisa ayaa waxa uu yidhi:-“waanu la soconaaa warkaasi wuu na soo gaadhay ,mana aha war fiican ,waa war aanaan jeclaysanin ,xoolaha la hakiyey markaa waa xoolihii somalida guud ahaan , neefka adhi ahi waa arin nololeed ,waa arin dhaqaale ,anagu waxa aanu xaqiijinaynaa ,markhaatigeedana leh in aanu jirin xannuun aanu ku og nahay gaar ahaana xannuunadaasi la sheegay ee ay tilmaamayso qoraalka boqortoonyada sucuudiga ,wasaaradeeda beeruhu ,anagu waxa aanu xaqiijinaynaa in aanu jirin xannuun xoolahaasi ay qabaan”.

Wasiirka Xannaanada Somaliland isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:-“Wasaaradan shaqada ugu badan ee ay qabato waa shaqadaa caafimaadka xoolaha , haayado ay ka mid tahay OIE oo ah haayad caalami ah oo cudurada la socota  saddexdii biloodba mar, waxa aanu dalbanayaa in aanu marka horeba dhacsiino ururada nagala socday arintan iyo dawlada sucuudiga oo ah suuqa ugu weyn ee ay xoolaheenu haystaanba ,waxa aanu ku rajo weynahay in ay nagula qancaan ,arinkayagana aanu markhaatigiisa cadayno, dadaal fara badan ayaanu ku jirnaa imika”.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland oo wax laga waydiiyey sababta laysku raaciyey xoolaha dalalka somaliland iyo Somalia maadaama oo xoolaha Somaliland aanu jirin wax cuduro ah oo ay qabaan ayaa yidhi:-“ama somaliland ha ahaato ama Somalia ha ahaato ,ama itoobiya qaybta soomaalidu degto ha ahaato ,neefka xoolaha soomaaliga ahi waa arin nololeed waana il dhaqaale ,maaha neef aynu siyaasadeynayno ,haddii imika dhacdadu xaga soomaaliya ka dhacday waa dhacdo saamaynaysa xoolaha soomaaliyeed oo dhan sidaasuu ula dhaqmay sucuudigu, gar iyo gadaraba isaga ayaa inoo ah suuq”.

Dawlada Sacuudiga ayaa dhawaan shaacisay in ay joojisay Xoolihii Soomaalida ee dalkeeda la gayn jiray ka dib markii lagu arkay sida ay sheegeen xannuuno dhawr ah.