SONSAF oo Qabatay Dood ku saabsan caqabada dib u dhiga Doorashooyinka

0
84

“Doorashada iyo Abaartaba waa in laga shaqeeyaa oo aan la iska kordhin” Xirsi Cali

Hargeysa(Waaheen) Dallada Ururada bulshada rayidka ah ee SONSAF ayaa shalay hotelka Ambassador ka furtay kulan hawleed lagaga doodayo caqabada keena dibu-dhaca Doorashooyinak, waxana ka soo qayb galay Qaadhaan-bixiyayaal, Ururada bulshada Rayidka ah, Golayaasha Baarlamaanka, Axsaabta iyo Jaamacaddaha Hargeysa.sonsaf

kulanka waxa faahfaahin ka bixiyey Agaasimaha Daladda Ururada bulshada SONSAF Maxamed Barawaani iyo guddoomiye ku-xigeenka dalladaasi Aamina Caarshe, waxaanay sheegeen ujeedada kulankan inay tahay in Talo iyo Xal loo helo muddo korodhsiimooyinka ragaadiyey qabsoomida Doorashooyinka iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

Sadexda Xisbi Qaran oo ay u kala hadleen Faysal Cali Waraabe, Xirsi Cali X Xasan iyo Axmed Cabdi Dheere ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay iyagoo isaga mid ahaa duruufaha la soo darso doorashooyinku inay yihiin qaar ay keeneen dadku iyo qaar si dabiici ah u dhaca sida abaarta imika taagan.

Madaxda Axsaabta ayaa qaarkood ay dhaliileen go’aamadda Golaha Guurtiddu ay ku kordhiyaan Doorashooyinka iyagoo ku eedeeyey caqabada koowaad inay yihiin kuwa ku ah Qaranka, isla markaana waxay tilmaameen halista ay qaranka ku yeelan doonto Dibu-dhaca Doorashooyinku, waxaanay talo ku soo jeediyeen in laga tashado waxyaabaha caqabada ku ah hanaanka Doorashada.

Xirsi Cali X Xasan ayaa ku baaqay in mudada ka hadhay doorashada madaxtinimada si wadjir ah looga sii wada shaqeeyo hawlaha doorashooyinka iyo abaarta isagoo farta ku fiiqay in labada arrimood ba la isku wadi karo haddii qorshe lala yimaado.

mudanayaal ka tirsan labada Golle Baarlamaan ayaa iyaguna Eeda dibu-dhaca Doorashiiyinka uga hadlay siyaabo kala duwan waxaanay tilmaameen inay jiraan caqabado ka dhasha Dadweynaha, Axsaabta, Komishanka iyo Xukuumadda, iyaguna mar walba ay yihiin mus-danbeedka dalkan oo ay ku slaeeyaan korodhsiimada duruufaha lagaga bixi karo, iyagoo difaacayey qodoobka Dastuuriga ah ee awoodaas siiyey.

Guddoomiyaha Komishaka Doorashooyinka Qaranka C/qaadir Iimaan iyo Qaadhaan-bixiyayaasha ayaa iska difaacay Eedaha ah inay qayb ka yihiin caqabadaha, waxaanay sheegeen mar kasta inay dhinacooda diyaar ka tahay hawsha ay u xil saaran yihiin, marka laga reebo bay yidhahdeen arrimo farsamo.

Aqoonyahanada ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo kala duwan madasha ku weydiiyey Qaadhaan-bixiyayaasha, kuwaas oo ay iyana ka jawaabeen, hase yeeshee Doodii lagu falanqaynayey waxa keena caqabada waxa dusha laga saaray hay’addaha ay khusayso iyo dadweynaha, kuwaas aan xilkoodii ka saarnaa ka soo bixin ama aan ka xisaabtamin.