Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo Saxaafadda Hambalyo iyo Digniin isku-barkiyey

0
222

Komishanka ha la weydiiyo qaabka ay isku waafaqayso kaadhadhka ay Daabacayaan iyo dadka ay abaartu soo barakicisay?

anig Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan ayaa isagoo ka hadlayey kulan lagu gorfaynayey caqabadaha sababa muddo kordhinta iyo sidii looga bixi lahaa ka sheegay caqabado badan oo uu ku tilmaamay kuwo jira oo u baahan in wax laga qabto.

C/qaadir Iimaan waxa uu sheegay Komishan ahaan inay u gudbeen marxaladda ah daabacaada Kaadhadhka Codbixiyayaasha, hase yeeshee waxa uu ka garaabay duruufaha taagan ee ay ka mid tahay Abaarta ka taagan goboladda Barri ee Somaliland.

Guddoomiye C/qaadir waxa uu hambalyeeyey qaabkii ay saxaafaddu uga qayb qaadatay wacyigalintii Diiwaangalinta, hase yeeshee waxa uu dhinaca kale u diray Digniin, isagoo uga digay inay warar qaldan ka gudbiyaan Doorashooyinka sida ku dhacday dalal kala duwan.

Guddoomiyaha komishanku waxa uu sheegay farsamo ahaan inay doorashada iyagu ku qabanayaan wakhtigii ay u qorshaysnayd hase yeeshee aanay shaqadooda ahayn wixii intaa ka baxsan.

hadalka guddoomiyaha waxa calaamatu su’aal saaray aqoonyahano kala duwan oo ka soo qayb galay shirka, kuwaas oo ku tilmaamay inaanu meel mar ahayn qorshaha Komishanku xilligan ay dadkii kaadhadhka qaadan lahaa ka soo hayaameen goobihii ay iska Diiwaanagaliyeen, waxaanay farriin u mariyeen Ururka SONSAF, iyagoo ka dalbaday inay jawaab ka keenaan qaabka la isku waafajin lahaa hadalka Komishanka iyo duruufta abaartu ku keentay Dadweynaha goboladd Barri.