Xakuumada Jabuuti oo Faahfaahin ka Bixisay Saldhiga Militari ee Sacuudigu uu ka Samaysanaayo Dalka

0
47

777Hargeysa(Waaheen) Sacuudiga ayaa noqday wadankii ugu dambeeye ee daneeya inuu saldhig ciidameed ka sameysto dalka yar ee Jabuuti oo ku yaal goob muhiim ah.

Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti, Maxamuud Yuusuf, ayaa wargeys laga leeyahay dalka Sacuudiga u xaqiijiye in saraakiil ciidanka Sacuudiga ahi ay gaadheen Jabuuti si ay daraasaad ugu sameeyaan meelaha ugu haboon ee ay saldhig ka dhigan karaan.

Yuusuf ayaa xusay in heshiis weli qabyo ah la diyaariye iyada oo labada dhinac ka baaran-degayaan sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiska.

Wadamada Maraykanka iyo Faransiiska ayaa horey dalkaas ugu lahaa saldhigyo iyada oo dalka Shiinuhuna dhawaan muujiye in uu halkaa ka yegleelo saldhig ciidameed oo danhiisa uu ka ilaashado.

Sidoo kale, wadamo kale oo dhawr ah ayey ciidamadooda si ku-meel-gaadh ah u adeegsadaan dekada Jabuuti si ay u ilaalyaan marakiibtooda oo halis ugu jira weeraro kaga yimaada budhacd-badeeda Soomaalida.

Waxaa xusid mudan, in xukuumada Ismaaciil geele dhawaan xidhiidhka u jirtay dalka Iraan iyada oo ku eedesay in Iiraan faragalisay arrimaha Yaman.

Xukuumada Tehran ayaa dhankeeda ku eedeeysay Jabuuti inay u xaglinayso dalka Sacuudiga iyada oo go’anka Jabuuti ku tilmaantay wax laga xumaado.

 

Arrinta saldhiga Sacuudiga ee Jabuuti oo la bilaabay bishii March ee sanadkan ayaa u muuqata mid jiitantay, lakaain wasiirka arrimaha dibada ayaa sheegay inay sababto tahay waxyaabo la xidhiidha dhanka farsamada.

 

Sacuudiga iyo wadamada gacanka Carabta ayaa aad u xiisaynaya xeebaha Geeska Afrika tan iyo intii dagaaka Yaman oo bilowday. Dagaalka Yaman oo kolkii hore ku bilowday waji siyaasadeed ayaa isu badalay mid ay isku hayaan Shiicada iyo Suniyiinta oo ay kala hogaaminyaan Iiraan iyo Sacuudigu.

Inkastoo dawlada Jabuuti ka hesho dhaqaale xoog leh ciidamada dalkeeda ku soo badanaya, haddana shacabka dalkaas ayaa ka walaacsan saameynta ay ciidmadu ku yeelan karaan dhaqanka, anshaxa iyo diinta.