Maxaay ka Wadda Hadleen Madaxweyne Siillaanyo iyo Taliyihii Hore ee Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed

0
90

“Anigu idinka oo aan dhalan ayaan Reer Hargeysa ahaa, waligayna Somaliland xumaanteed iyo Dagaalkeeda Kamaan  shaqeyn”Generaal Galal

465Hargeysa(Waaheen) Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa muddo dheer ka dib waxa uu yimid  Somaliland, waxanu Galaal la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo.

Jeneraalku waxa uu iska fogeyey in wax gacan ah uu ku lahaa Burburintii iyo Duqayntii Somaliland wakhtigii uu Nidaamkii siyaad Barre ka talinayey Somaliya, waxa kale oo uu eeda Baabi’intii Somaliland ku eedeyey in uu Masuul uu ka ahaa Cali Samatar oo dhawan geeriyooday.

 

Galaal waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayey Telefeshinka Horn Cable TV, ugu horeyn waxa uu ka hadlay ujeeda socdaalkiisa Hargeysa. “Labba Arrimood ayaan Hargeysa u imid, waata kowaade in aan Arko Hargeysa oo Horashiimadii laga dhigay waagii dagaalka, iyo imika Siday tahay, runtii Hargeysa way waynaatay way dhisantahay, runtii labba Dhibaato oo yar yar ayaan Hargeysa ku arkay, kow midi waa waddooyinka, labba Midina waa Biyaha, Biyihii way soo socdanba laygu yidhi, haddii ay Hargeysa  labbadaasi arrin ay xaliso way noqonaysaa Caasimad weyn, waa Ta labbade  Gabadh aan Dhalay ayaa Hargeysa lagu guursaday sidaasi daradeed waxaan u imid in aan Arooskeeda ka qaybgalo”Ayuu yidhi.

 

Janaraal Galaal oo la waydiiyey Madama oo uu Hargeysa yimid waxa loo xidhi waayey ayaa yidhi. “Waxaanu is aragnay Madaxweynaha Somaliland, Anigu idinka oo aan dhallan ayaan Reer Hargeysa ahaa, Hargeysa waa layga yaqaana, mida kalena waligay in aanan Hargeysa xumaanteed iyo Dagaalkeeda ka shaqeyn waa la ogyahay, waxyaabihii Maxamed Siyaad barre Buulka ii galiyeyna waxay ahayd, dareenkii aan ka qaybay halkan waagii dagaalku socday”

 

Generaal Galaal waxa uu Madaxweynaha Somaliya ku eedeyey in uu buunbinyey Cali Samatar Geeridiisi, isaga oo ahaa shakhsigii Burburiyey Somaliya. “ Nin la odhan jiray Samatar ayaa dhintay, dalka maraykanka ayaa maydkiisa laga soo qaaday Xamarna waa la keenay, waxa la yidhi waa geesigii qaranka (National Hero) Niman Saraakiil ah oo aan  garanayn wax allaaliyo wuxu ahaa ayaa waxay ka sheekeyeen aqoontiisi iyo geesinimadiisi, xaggee uu geesi ka ahaa mabayba garanaynin wuxu ahaa, xaruntii xooga dalka lagu aasay, Ninka Madaxweynaha ah ee Xassan Sheekh ayaa watay, wuxu ku tacadiyey oo meel uga dhacay dadkii ninkaasi dhibaateyey, ninkii qaranka dumiyeyna wuu ahaa”Ayuu yidhi.