Xukuumadda Somaliland oo Xidhay Shan Qof oo looga Shakisan yahay inay Xidhiidh la leeyihiin Kooxaha Xag-jirka ah

0
96

waxa ku jira laba ka tirsan ciidanka Somaliland

boolisHargeysa(Waaheen) Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa qab qabtay toddobaadkan shan qof oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Xag-jirka ah ee fuliya hawl-galada Ismiidaaminta ah. shanta qof ee la xidhay waxay Booliisku ka soo kala qabteen gudaha Hargeysa, halka qaarkood-na hawl-galo barriga Somaliland laga fuliyey lagu soo guulaystay in lagu qabto. Booliiska Somaliland illaa hada kamay hadal dadkan, hase yeeshee sida ay Waaheen wararka ku heshay waxa lagu wadaa baadhitaan, isla markaana waxa la hubinayaa eedaha lagu haysto inay ku cadaadaan iyo inkale. Wararka qaarkood ayaa sheegaya inay ka mid yihiin laba askari oo ka tirsan ciidamadda Somaliland, kuwaas oo ka hawl-gali jiray wasaaraddaha dawlada , halka mid ka mid ah dadkaas-na la sheegay in uu ahaa Sarrifle. Booliiska ayaa baadhitaano ku haya dadkan, waxaana maalmahanba soo baxayey warar is-khilaafsan, kuwaas oo ku saabsan shantan qof ee la qabtay, iyadoo la hadal hayo in qabashadooda ay qayb ka ahaayeen diyaaradihii dul haadayey deegaano ka tirsan Somaliland.