Shirkad ay leeyihiin Qoyska Madaxweynaha oo lacago dul saartay Fiisayaasha Soomaaliya

0
100

 beerkaHargeysa(Waaheen) Shirkad gaar ah oo uu wax ka leeyahay Cali Shiikh Maxamuud oo la dhashay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in ay dalka Somaliya keensadeen warqado Fisooyin ah oo lagu qasbay hay’adda socdaalka Soomaaliya inay isticmaalaan, oo ay iska daayaan kuwii hore loo isticmaali jiray.

fisooyinkaan cusub oo laga soo sameeyey dalka India ayaa bixintooda waxay bilaabatay 2 bilood  ka hor, iyada oo qof kasta oo wata baasaboor ajnabi ah loogu dhufanayo lagana qaadayo lacag gaadhaysa 60 doolar, halka visihii hore uu ahaa 50 doolar oo kaliya.

warqadaha fisooyin loogu deeqay dawladdaasi  oo si bilaash ah ay ku siisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan ayaa gabi ahaanba la laalay, iyaga oo shaqalaha garoonka lagu wargaliyay oo looga gaday in mid ka casrisan kana qaalisan laga keeney dalka India oo ganacsato soomaaliyeed ay keeneen, sidaas darteedna ay tahay in 10 doolar oo dheeri ah lagu daro qiimihii hore oo ahaa 50 doolar.

Ganacsatadan uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Somaliya walaalkiis Cali Shiikh Maxamuud ayaa dowladda u sheegay inaysan macquul ahayn in 10 doolar kaliya laga siiyo oo fiisooyinka ay soo sameeyen ay yihiin kuwa qaali ah, qasabna ay tahay in loogu daro 8 doolar oo isku geyn ay halkii fiiso oo la bixiyo ay ku yeeshaan 18 doolar, taasi oo Madaxweynaha uu ku qasbay inay aqbalaan laanta socdaalka iyo xafiiska xisaabiyaha guud, waxaana sidoo kale lagu amray inaysan daba galin magaca shirkadda soomaaliga ah ee lacagtaas la siiyo iyo dadka iska leh oo ay tahay howl madaxtooyada qaranka ay wax ka ogtahay.

Saraakiisha laanta socdaalka Somaliya oo warbaahintu waxa ka waydiisay arrintaasi  ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday inay ka hadlaan, marka laga reebo shaqaalaha garoonka oo qaarkood ku dhiiraday inay warbaahinta soo gaadhsiiyan  Fiisooyin la bixiyay iyo lacagihii laga qaaday dadka, waxaana sidoo kale arrintaan ka gaabsaday xafiiska xisaabiyaha guud ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.