:-Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada WADDANI oo Ka Biyo Diiday Codsi uga Yimi Odeyaal uu Ganacsade Maxamed Aw-Siciid u Soo La Qimay in uu Iska Soo Casilo Xilka WADDANI

0
75

wa-Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarta Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme), ayaa ka goys adaygay in uu aqbalo cod ay diraneyaasha Ganacsade Maxamed Aw-Siciid kaga codsadeen in uu hab beelnimo ah iskaga soo casilo Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana uu soo taageero Murashaxnimada Madaxweyne ee Muuse Biixi Cabdi oo ay haybta guud wadaagaan.

Diraneyaasha Ganacsade Maxamed Aw-Siciid uu u soo wakiishay in ay fikirka Subeeriyada ku soo beer laxowsadaan guddoomiyaha Garabka Dhalliyarada WADDANI, ayaa iskugu jiray odey dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo dhalliyaro tira badan, ku waas oo dhammaantood ba u soo bandhigay in Iscasilaadiisa ka dib ay ugu abaal gudi doonaan shilimaad yar oo ay ka soo qaadeen Ganacsade Maxamed Aw-Siciid, balse waxa uu caddeeyey kuna adkaystay hal-samaanta fikirkiisa Xisbinimo.

Md.Maxamed Siddii Dhamme, ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku lee yahay Facebook ga, waxaana uu tilmaamay in dhadhamo raacnimo iyo shilimaad ka ay kala weyn tahay Xisbinimadu, isaga oo sida oo kale na carabka ku adkeeyey in Xisbinimadu aanay ahayn Mag-wadaag balse ay tahay Mabda’wadaag.

“Xisbinimadu waa mabda’ ee maaha mag-wadaag, asxaabta qaranka aasaaskoodu iyo ka mid ahaanshahooda xubinimo waa afkaar. Xisbiga WADDANI waxaan ka mid ahaa aasaaskiisi amintii lagu dhawaaqay goobjoogbaan ahaa maanto uu kaalin buuxis kuruska asxaabta qaranka yahayna ka midbaan ahay. Mawjado ka xoogweyn maayadaha maanta iyo duufaanno siyaasadeed oo ruxay saaxiibadii aanu mabda’oogu dhuuxa adag lahayn kobbaanu kawada ridaynay rasaasta. xan wadaagta aaminsan in Xisbinimadu xaafad tahay xaasha baanu leenahay ! Saaxibbo aan ka mid ahay waxaan aaminsannahay inay muunad u yihiin WADDANI. Fariimaha isoo gaadhaya ee foorahoodu yahay inaan is-casilayo waan ka xumahay himiladaydana ma goyso dhadhamo iyo dhawaaq oday.”.Ayuu yidhi Maxamed Siddii Cabdillaahi Dhamme

Ugu dambeyn, maalmahii ugu dambeysay waxa socday silsilado taxan oo Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID loogga midho midhaysanayey siyaasiyiinta ku jira ee ay haybta guud wadaagaan Muuse Biixi, ku waasi oo dhammaantood ba laga codsanaayey in iska soo casilaan Xisbiyaddaasi, taa bedelkeeda na looggu badalaayey lacago iyo shilaad aan sidaas u sii buurnayn isla mar ahaantaana aan mustaqbal ahaan dhiseyn.