Xildhibaan ka Tirsan Xisbiga Kulmiye oo Guurtida ugu Baaqay in laba Sanno u Kordhiyaan Madaxweynaha

0
149

Xasan-CAwaale

Hargeysa (Waaheen) Xildhibaan ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Mudane  Xassan Cawaale Caynaan ayaa soo jeediyey in madama oo Dalka ay ka Jiraan Abaaro baahsani oo Dunyadii madhisay in loo kordhiyo Madaxweynaha Muddo labba Sanno ah.“Somaliland waxa soo foodsaray arrin aad u adag oo ah abaaraha ka Jira Gobolada Barriga, waxa la qabankaro oo doorashada Madaxweyna ahi ma jirto, dadka reer Soamliland ee Abaaruhu hayaan waa in la caawiyaa, Golaha gurtidana waxaan ugu baaqayaa in muddo labba Sanno ah Madaxweynaha loo kordhiyo, runtii madaxweynuhuna waa nin wax qabtay, dalkuna  wada qaadimaayo Doorasho iyo Abaaro”Ayuu yidhi Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan.