Khariiradii Somaliland oo loo Qaybiyey Labba Reer iyo Qayb Itoobiya la Raaciyey

0
183

Cidii ka danbeysay ee Jabuuti  u gudbisay  Khariirad Khaldan Talaabo ayaanu ka qaadaynaa

waaHargeysa (Waaheen) Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa ka hadashay Isbedel ay sheegen in lagu sameyey  Khariiradii Somaliland oo saddex  loo qaybiyey isla markaana Dalka Jabuuti loo gudbiyey.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdifataax Siciid Axmed ayaa Sheegay in ay jirto arrintaasi waxaanu sheegay in dadkii ka danbeyey Ficilkaasi ay baadhis ku waddan isla markaan talaabo ay ka qaadidoonan.

Cabdifatax oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “khariiradani waa mid khaldan oo loo qaybiyey Dawlada Jabuuti oo runtii rag masuuliyiin ah oo aanu la kulanay noo sheegen in Somaliland Khariiradaasi kaga timid, Khariiradan waxa la sameyey 2013-kii, Somaliland xududaheedii ayaa dhawr qaybood loo qaybiyey, Khariirada Somaliland ee la Aqoonsanyahay waa kuwii Lixdankii, Khariiradasina Dastuurkeena ayey ku talla wax cidi badali kartan m aha, Wasaarada Arrimaha gudaha oo kala xadeynta Gobolada iyo degmooyinka lahina waxay ku dhaqmaysaa Khariiradii lixdaankii, dawlada aynu walaalaha  nahayn waanu ka raaligalinaynaa khariiradaasi khaldan ee loo gudbiyey cidii ka danbeysan talaabo ayaanu ka qaadidoona marka uu baadhitaanku noo dhamaado, Khariiradii Somaliland waxa loo qaybiyey Saddex Qaybood oo la kala Yidhaahado Degmooyinka Isaaq iyo Gadbuursi iyo Qaybta Saylac oo Itoobiya la raaciyey”ayuu yidhi Cabdifataax.