Ciidamada Kantaroolka Sheekh oo Toogasho ku dilay Dirawl gaadhi wadday

0
75

rruHargeysa(Waaheen) Ciidamada Ilaalada Kaantaroolka Laga Galo Magaalada Sheekh, Ee Gobolka Saaxil Ayaa Habeenkii Xalay Dil Toogasho Ah Ku Dilay.

Waxaanay Wararku Sheegayaan In Ninkani Uu Ka Tagay Magaaalada Hargeysa Kuna Siijeeday Magaalada Sheekh.

Waxaana Marxuunkan Ay Ciidamadu Toogteen Watay Gaadhi Laangaruusara, Toogashadiisa Ayaa Imaanaysa Ka Dib Markii Uu Joogsan Waayay.

Dhanka Kale Wararku Waxaa Ay Intaasi Ku Dareen In Uu Xoog Ku Jiidhay Kaantaroolka, Laga Galo Magaalada Sheekh.

Ilaa Hada Lama Oga Damiirka Marxuunka Gaadhiga Waday Inuu Sax Ahaa Iyo In Kale, Walaw Wararka Qaar Ay Sheegayaan Inuu Waday Arimo Sharciga Baalmarsan.

Waxaana Maydka Marxuunkani Lageeyay Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Barbara, Ilaa Hadana Ma Heyno Magaciisa Dhabta Ah.