“Shacabka Somaliland Waa in ay Isku soo Baxaan Madaxtooyada iyo Barlamaanka Hortooda oo ay ka Mudaharaadan Muddo Kordhinta Riyaale” Silaanyo

0
44

Dib u Milicso labba arrin oo  Siilaanyo Marka dhagihiisa ay ku soo dhacan uu Necbaa, Balse Imika uu Jecel yahay.

captureHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa Wakhtigii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahaa waxa uu si weyn uga caban jiray muddo kordhimihii loo sameyey xukuummadii hore ee Daahir Riyaale Kaahin, wakhtigaasi uu Mucaaridka ahaa Siilaanyo waxa uu Beesha caalamka ka dacweyn jiray xukumadii waagasi jirtay iyada oo si weyn loo xasuusto heshiiskii ugu danbeyey ee Xukumadii riyaale iyo Kulmiye kala saxeexden in bud dhig ay u ahaayeen Wasiiro ka socda Dawlada aynu jarka nahay ee Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo waagii uu Mucaaridka ahaa waxa uu ku baaqi jiray Mudahaaraado ka dhan ah Dawladii Riyaale waxa ugu weyna Mudaharaadii dhacay markii loo kordhiyey Daahir Riyaale 2008-kii oo Mudaharaad uu Siilaanyo soo Abaabulay dad ku dhinteen.

Hadaba iyada oo markii labbad laga cabsi qabbo in xukumada Siilaanyo Kordhisato ayaa waxay dib u Milicsandoonaa Qudbad uu Siilaanyo Jeedisyey 2009-kii oo shacabka Somaliland ugu baaqayey Mudaharaad ka dhan ah Xukumada Riyaale.

Waxaanu yidhi. “Waxa nasiib darro in maanta uu  Riyaale  dalbaday muddo kordhin aanay dalban Komishanka Doorashooyinka Somaliland, waxa kale oo nasiib darro ah in Madaxweyne Riyaale uu qadarinwaayey doonista shacabkiisa ee ah in Doorasho xor iyo xaal ahi ka dhacdo Dalka, Dalkaasi inoogu dhaw ee itoobiya oo dal inaga taageera dhinac walba iyo Beesha Caalamku  way ka  werwersan yihiin Muddo kordhinta bilaasharciga ah ee Riyaale uu dalbaday, Haddii Komishanka la waydiiyo waxay idiin sheegayaan in Meel walba lagala soo hadlay oo la leeyahay Doorashadii maxad u qabban waydeen, Talabaadasi uu Madaxweyne Riyaale qaaday waa talaabo Geedi socodkii dimuqraadiyadii Adhaxda ay kaga jabtay”

Isaga oo Qudbadiisa sii wata waxa uu yidhi. “ Arrintaasi danbigeeda waxa leh oo dusha laga saaraya, oo meel kale looga duwaynin Madaxweynaha Dalka, Xukuumadadiisa, golayaasha UDUB, Barlamaanka, Guurtida , intuba way wadda qabban, waxa kali ah oo Ummada reer Somaliland u taala in ay muujiso mawqifka ay ka taagan tahay muddo kordhinta Ninkaasi uu sameystay, anagu haddii aanu nahay Kulmiye waxaanu ku baaqaynaa oo aanu ku tashanay 29 Marich 2009 marka ay gaadho, ee madaxweynaha qaranku u qabtay in doorasho dhacdo ee uu caalamka maqshiiyey oo uu Ummada maqashiiyey in Ummadu u soo baxdo Mudaharaad meel kasta ah oo ay Madaxtooyada iyo golaha wakiilada hortiisa iyo Xarumaha Gobolada dalka oo muujiyaan dareenka ay taasi ka qabaan oo ah in aanay wax kordhin la yidhaahada aanay doonaynin”Ayuu Yidhi Siilaayo

Waxa Xusid Mudan in Xukumada Siilaanyo wakhtigii mucaaridka ahayd uu la wanaagsanaa Mudaharaadyadu oo haddii loo diido ay odhan jirtay waalana cabudhinayaa,  isla markana ay la xumaday Muddo Kordhintu, balse Imika  wixii ay jecelaayeen wagaasi imika way neceb yihiin oo waa Mudahaaraadka, wixii ay Necebeydan imika ay Jeceshay oo ah Muddo kordhinta.