Wasiiro Xukumadda ka Tirsan iyo Hogaanka Kulmiye oo Kulan ka Yeeshay Walaaca ay ka qabbaan Doorashadu in Wakhtideegii ku qabsoomiwaydo

0
138

 

Xubnihii hogaanka Kulmiye ka socday ayaa soo Jeediyey in Haddii dib ay doorashadu u dhacdo kordhintu aanay ka badan Saddex Billood oo Bisha June  la qabto

capture

Hargeysa (Waaheen) qaar ka mid ah Wasiirada xukumada madaxweyne Siilaanyo  iyo Hogaanka  Xisbiga Kulmiye oo maalmihii u danbeyey kulamo ay kaga arinsanayaan arrimaha Doorashada Madaxtooyada ku yeeshay Magaalada Hargeysa, waxaanay ka wadahadleen dareenka ay ka qabbaan  haddii Komishanka Doorashooyinku wakhtigeedii doorashada loogu tallo galay ee 28 March 2016  ku qabban kariwaayan talladaba ay qaadi karan iyaga oo ka Xukumad ahaan iyo Xisbi aahanba Midaysan.

warar xogogaal ah oo wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in Hogaanka Xisbiga kulmiye oo ka walaacsan in wakhtiga kooban ee hadhay oo ka yar saddex Billood in doorashadu ku qabsoomi kariwaydo, waxaanay walaac ka muujiyeen duruufaha ku gedaaman doorashada oo ah qaar aan layska indho tirikarin waxaanay sheegen in  wax baddani iska badelen Jadwalkii ay haysteen  oo dhigayey in Bisha November la qaybiyo Kaadhadhka Codbixiyaasha halka aan wali la daabicin  iyo lacagtii Doorashada lagu qabanayey oo Xukumadu inteedii oo ah 40% Bixisay basle wali aan Qaadhanbixiyaashii laga hayn  iyo sidda aanay wali xisbiyadu ugu diyaarsanayn wakhti jadwalku ku egyahay Arrimahaasi iyo arrimo kale ayey iskula soo qaaddeen Kulankoodasii, Basle Wasiiradii dhanka Madaxweynaha ka socday ayaa qiray in ay jiraan habacsanaan badan oo ku gedemaan doorashada basle waxay hoosta ka xariiqeen in xukumada aanay dhinaceeda waxba ku baaqan oo ay lacagtii loogu tallo galay doorashada ay shubeen, basle haddii dhinaca Komishanka iyo Qaadhan bixiyaasha wax ka yimaadan aanay taasi eededa lahayn xukumada iyo madaxweynuhuba oo ay bari ka yihiin, isla markana Madaxweynuhu wali aaminsan yahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto.

Kulankaasi ayaa wararku waxa kale oo sheegayaan in  laysla  soo qaadday haddii doorashadu dib u dhacdo wakhtiga dib loo dhigikaro iyo mudada la kordhin karo, Xubnihii hogaanka kulmiye ka socday ayaa soo jeediyey in haadii dib ay doorashadu u dhacdo kordhintu aanay ka badan Saddex Billood oo Bisha Lixaad ee June loo asteeyo Doorashada Madaxtooyada, soo jeedintaasi ayaa laysku raacay in wakhtiga ugu haboon ee aanay sameyn ku keenayni ay tahay mudadaasi kooban oo marka shacabka loo bandhigo ay qaaddan karaan, taasi bedelkeeda waxay kooxdaasi si  qoto dheer uga hadleen in iyaduna Sameyn keeni karto wakhtiga ay codsadaan  Komishanku ee Doorashada ku qabban karan iyo haddii Golaha guurtida loo gudbiyo waxay ka yeeli karaan sida horeba u dhacday ee kordhintii hore ee Xisbiyada iyo Komishanku isku raaceen ay muddo dheerad ah ku dareen Golaha Guurtida oo leh go’aanka ugu danbeya ee muddo kordhinta.

Waxaanay walaac ka muujiyeen in Guurtidu aanay ku qanci Karin kordhin muddo saddex billo ah.

Gabogabadii waxay isla qaateen in ay sugan wax ay la soo guryo noqdan komishanka doorashooyinka oo safar ugu baxay dalka itoobiya halkaasi oo ay kulamo kula soo yeelanayeen qolooyinka qaadhanka doorashada ka taageera Somaliland.

Xisbiyada Mucaaridka ayaa iyaguna ku celceliya in doorashada wakhtgieeda lagu qabto isla markana aan qiildanbe loo helikarin muddo kordhin xukumadu sameysato iyada oo muddo 2 sanno ah hore loogu kordhiyey. Dhanka kale  Golaha Guurtida oo muddo labba Billood ah Fasax ku maqnaa ayaa maalinta Sabtida ah uu  furmayaa Kalfadhigoodii cadiga ahaa, Ajandaha kalfadhigaasi ayaa la filayaa qodobka ugu weyn ee ay ka duulidoonan uu noqondoono qabsoomida  Doorashada Madaxtooyada.