Labba Haween ah oo ka Tirsan Al-shabab oo lacagta ay u Dirayaan Kooxdaasi sii Marin jiray Hargeysa iyo Nairobi

0
122

Maxkamad Maraykanka ku Taala  ayaa Danbi ku Heshay haweenkaasi oo  Soomaali kuwaasi oo  Taageerayay Kooxda Al-shabaab

haween Hargeysa(Waaheen) Laba Haween ah soomaali ah ayaa lagu helay inay kaalmo dhaqaale u geysan jireen kooxda Al-shabaab. Muna Cismaan Jaamaca iuo Hinda Cismaan Dirane ayuu kiiskani ayaa lagu eedeeyay inay lacago u diri jireen dalalka Somaliland iyo Kenya. Dana J. Boente oo ah dacwad oogaha Virginia, ayaa sheegtay, “Labaddan haween ahi waxay lacago u diri jireen kooxo argagaxiso ah oo colaado ka wado Somalia. Waxa mudnaata koowaad leh amaanka qaranka waana mid aanu kala shaqaynayno ciidamadda ammaanka si ay u baadhaan una xukumaan dadka taageeradda maadiga ah u geysanaya argagaxisadda.” Sidaasina waxay ku sheegtay warbixin rasmi ah oo lagu daabacay bogga internetka ay ku leedahay Wasaaradda Cadaaladda dalka Maraykanku.

Mr. Paul M. Abbate oo ka tirsan FBI-da ayaa sheegay inay haweenkani marka xawilaadda lacagta laga tago, inay sidoo kale abaabuli jireen dadka ku biiriya kooxda Al-shabaab iyagoo adeegsanaya internetka. Waxaanu intaa ku daray inay lacago u diri jireen laba kooxood oo kala degan Nairobi iyo Hargeysa.

Caddaymaha la horkeenay maxkamadda ayaa waxa ka mid ahaa inay lacagaha ay u dirayaan Hargeysa ay ujeedadoodu ahayd kuwo lagu maalgalinayo hawlgaladda Al-shabaab ka waddo buuraleyda Gollis, halka Nairobi lacagta lagu hagaajin jirayna lagu maalgalin jiray laba guri oo soo sir ah, oo mid ka mid ah hubka iyo walxaha qarxa ku keydsan jireen halka ka kale ahaa mid lagu qariyo laguna daaweeyo xubnaha Al-shabaab ee dagaaladda ku soo dhaawacma.

FBI-da ayaa sheegtay inay muddo dheer labadan haween ah ay ku daba jireen, kalana socdeen dhinaca internetka, iyagoo ku jiray qol la yidhaahdo “Golaha 15 ka”, halkaas oo ay ka hagi jireen hawlaha kale ee la xidhiidha dhinaca guubaabadda iyo taageeradda loo fidinayo argagaxisadda. Waxaana maxkamadda la horkeenay codada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Hinda iyo Muna oo ku qoslaya kuna dheeldheelaya intii ay socdeen hawlgalkii argagaxisadda aha ee Suuqa Westgate Mall ee magaaladda Nairobi, iyo sidoo kale markii qaraxa lala beegsaday tartankii orodadda ee Boston.

Haweenkan ayaa laga yaabaa in lagu xukumo 15 sanno oo xadhig ah, marka ay fadhiga labaad ee Maxkamadda oo loo ballansan yahay 19/01/2017.