Baladweyne: Weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday Saldhigga Ciidamada Jabuuti

0
78

Baladweyne (Waaheen):- Qarax is-miidaamin ah oo gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha loo adeegsday ayaa goor-dhaw lagu beegsaday Saldhigga Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay ku leeyihiin Baladweyne, gaar ahaan Xaafadda Hawl-wadaag oo ku taalla Galbeedka Magaalada.

Wariyaha HOL ee Gobolka Hiiraan, C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya in rasaas culus ay ka dhacayso gudaha saldhigga ciidamada Jabuuti ee lagu weeraray gaariga ismiidaaminta ah.

Qaraxan ayaa waxaa ka horreeyay waxyaabaha Qarxa oo saacado ka hor lagu aasay waddo ka mid ah kuwa Baladweyne oo ay fashiliyeen Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia.

Dhanka kale, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Weerarkaan is-miidaaminta ah, iyadoo aysan jirin cid sheegatay, waxaana Baladweyne oo dhan haatan lagu soo daadiyay ciidammo fara badan, iyadoo shacabkuna ay billaabeen inay kala cararaan.