Wasiir Madaxtooyadda iyo Maxamed Kaahin oo Loolankii ugu Adkaa uu ku dhex Marayo Jagada Gudomiyenimada Xisbiga Kulmiye

0
36

maaloMaxamuud Xaashi ayaa tan iyo Maalintii uu ka soo noqday Ingiiriska aan  Fooda ka qaadin Shirar Doceedyo  uu ku Raadinyo in lagu wareejiyo  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Muden Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin ayaa maalmihii u danbeyey  waxa ka dhex bilaamay loolan adag oo midba midka kale uu ugu jiro qabashada Mansabka gudoomiye nimada xisbiga Tallada dalka haya ee Kulmiye oo wakhtigan xilkaasi uu Hayo  Muuse Biixi Cabdi oo ahna Murashax madaxweynaha xisbigaasi.

Warar xogogaal ah oo Wargeyska Waaheen ka helayo Loolanka labbadaasi masuul ayaa soo ifbaxay tan iyo maalintii uu xisbiga Mucaaridka ee WADDANI oo loolan adagi uu ka dhexeyo uu Gudoomiyahoodii uu wareejiyey isla markaasina uu ku hadhay Cabdiraxman Cirro Murashaxnimada Xisbiga WADDANI oo kali ah.

Talabada uu xisbigaasi qaadday ayaa waxay keentay in Xisbiga Kulmiyena dib uu iskugu noqdo oo isna shax cusub uu la yimaado uuna bedelo haanankii maamul ee xisbiga u yaalay markii hore, waxaanay doonayaan si ay xisbigaasi WADDANI  ula tartamaan xisbiga Kulmiyena uu kala saaro Murashaxnimada iyo Gudoomiyenimada oo labbadaba uu haatan isku hayo Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Muden Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa durba bilaamay tartanka uu ugu jiro Jagga gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye isaga oo tan iyo maalintii ay ka soo noqdeen dalka Ingiiriska uu kulamo gooni gooni ah la yeelanayey Madaxdhaqameedka Beesha uu ka soo jeedo si uu ula socodsiiyo  in uu doonayo in uu noqdo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee  wakhtigan, Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in wasiirku uu shir doceedyo kala duwan aanu fooda ka qaadin tan iyo soo noqoshadiisi, halka warar kalena sheegayaan in haata wakhtigii uu Ingiriiska ku sugnaa uu la kulmay kaadiriinta xisbiga Kulmiye ee qaadhanka ka soo ururiya wadankaasi isga oo u sheegay in uu yahay Murashax Gudoomiyenimada xisbigaasi, dhanka kale Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi cabdi oo arrintaasi kulamo ka yeeshay ayaa Maxamuud Xaashi waxa uu Muuse Biixi u soo jeediyey in gudoomiyenimada uu ku wareejiyo madama Xisbiga WADDANI uu dheelay ciyaar ka duwan kuwii hore ee xisbiyadu ciyaari jireen, waxaanu Maxamud Xaashi sheegay wax kali ah ee uu xirsi kula tartami karana isla markana cod Beeshood uu kaga soo hoyn kara ay tahay uun in Gudoomiyaha Xisbiga uu noqdo, madama Xirsi Cali Xaaji Xassan uu yahay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI, si cad looma oga wax uu Dalabkaasi Muuse kaga jawaabay in uu aqbalay iyo in kale.

Balse dhanka kale Mujaahid Maxamed Kaahin oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee xisbiga isla markana  aan Xukumada ka qaybgalin tan iyo wakhtigii uu tallada waddanka la wareegay Xisbiga Kulmiye kuna hadhay xisbiga ayaa isaguna Oloole balaadhan ugu jira sidii uu u noqon lahaa Gudoomiyaha  xisbiga isaga  oo aaminsan  in aanay jirin cid kaga xaq leh xilkaasi, madama oo wakhti dheer uu u soo halgamayey Xisbiga Kulmiye.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashax Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu aminsanaa markii hore in Gudoomiyenimada xisbiga uu wareejiyo haddii uu xilka Madaxweynaha ku guuleysto  sidii Madaxweyne Siilaanyo uu ugu wareejiyey oo kale, basle qorshihiisi sidaasi ahaa ayaa waxa la sheegayaa in uu qalindaarayo Shaxda cusub ee ay soo dhigeen Xisbiga Xifiltanka weyni ka dhexeyo ee WADDANI oo qaybiyey Gudoomiyenimadii oo uu siiyey Cabdiqaadir Jirde oo ka soo jeeda Gobolka hawd iyo Xilka Cusub ee Hogaamiyaha oo Xirsi Cali Xaaji Xassan loo ansixiyey, xilalkaasi  oo durba Taageero laxaadle uu ku helay xisbiga WADDANI oo imika u muuqda Xisbiga ugu Awooda badan xisbiyada Somaliland ka jira.