“Telefishankii Qaranku Wuxuu Noqdey Meel Dadka Laga Caayo ” Siyaasi Dhoolayare

0
80

warHargeysa(Waaheen) Siyaasi Axmed Cilmi Dhoolayere  oo ka mid ah  saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu sheegay in telefishankii qaranku noqdey mid dadka mucaaridka ah laga caayo isla markaana uu yahay telefishanka ugu tayada liita isaga oo ay miisanyadiisu ka badan tahay 4 Wasaaradood.

Axmed Dhoolayare oo la hadlay Telefeshinka Kalsan ayaa waxa uu Madaxweynaha Somaliland u soo jeediyey in uu arrintaasi wax ka qabto madama aan loo bahnayn in Xisbiyada is aflagaadeeyn, Telefeshinkii Cashuurta Ummadu lagu bixinayey ee Madaxdii Xisbiyada Mucaaridka caayayo.

Sidoo kale siyaasi Axmed Dhoolayare waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu yahay mid ay hada wehel u noqotey cabsi badan isla markaana aanu fileyn in ay sidan doorasho ku gali karaan oo ay wax iska celin karaan . “Telefishankii Qaranku Waxuu Noqdey Meel Dadka Laga Caayo , Xisbiga Kulmiye na Filiba Maayo In Ay Doorasho Iska Celin Kartaan …” Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu yidhi. “ xallay oo kale waxana daawanayey Barnaamij Wiil joogga Sweden oo dadka lahaa caaya Labba Wasiir Xirsi iyo Maxamed Biixi waa nasiib darro in Telefeshinkii Qaranka sidaasi u danbeyso”Ayuu yidhi.