Xaflad Xisbiga WADDANI u Sameeyey Shacabka Ka Soo Jeeda Deegaanada Hawd, Hargeysa, Saaxil iyo Togdheer oo Cuddudoodii Taageero Ku Middeeyey Xisbiga WADDANI

0
117

mmmmnjHargeysa(Waaheen):-Xaflad aad u ballaadhan oo ay dadweynaha ku nool deegaanada goballada Hawd, Hargeysa, Saaxil iyo Togdheer ba ay siyaasi, wax-garad, aqoonyahan, madaxdhaqameed, haween iyo dhallinyartoodu ba ay ku taageerayeen Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ku muujinaayeen cududooda taageero ee ay u hayaan guddoomiyaha mustaqbalka dhow ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Ismaaciil oo la filaayo in xilka guddoomiyenimo ee Xisbigaas lagu wareejiyo mustaqbalka dhow.
Waxaana ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), guddoomiyaha mustaqbalka dhow ee Xisbigaas Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha Xisbiga Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, siyaasi Cabdi Haybe, guddoomiyaha UK ee Xisbiga WADDANI Xuseen Aadan Cadde, xubno ka mid ah hoggaanka, guddiyada fulinta garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, mas’uuliyiin iyo boqolaal ka mid ah cududweynaha taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee ka soo kala jeeda deegaanada goballa Hawd, Hargeysa, Saaxil iyo Togdheer.
Qaar ka mid ah taageerayaashii cududooda muujinaayey ee halkaas ka hadlay, ayaa waxa ay sheegeen in ay si aada ugu faraxsan yihiin in Xilkii guddoomiyenimo ee Xisbigaas lagu wareejinaayo mas’uul ka soo jeeda deegaanka gobalka Hawd.
“Maanta waa maalin weyn oo farxad innoo ah dhamaanteen, wixii aynu hore u weynay ayeynu gacanteena ku haynaa, maanta ayeynu gacanta ku haynaa, haddaanu nahay shacabka ka soo jeeda deegaanaddaasi wixii aanu hore u waynay imika ayaanu haynaa, wixii dhibbaato aynu oggeyn ee la innoo geystay waxa innaga maydhay waa Cabdiraxmaan, waa in aynu eegnaa wanaaga uu Cabdiraxmaan innoo sameeyey ee cid kale ina soo eegi wayday, waa in aynu dhammaanteen is fahamnaa, waa in aynaan kala leexan oo cuddeena taageero hiil iyo hooba aynu la garab istaagno Xisbiga WADDANI, waa Xisbigeenii, gacanteena ayuu ku jiraa, innaga ayaana iska leh waana in aynu soo saarnaa haddii aynu nahay gobalka Hawda, maanta iska la guri mayno, Arab waa innoo Arab iyo siddii aynu Xisbigaas u soo saari lahayn, cududdeena taageera na aynu la barbar istaagi lahayn.”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah haweenkii iyo wax-garadkii halkaas ka hadlay.
Guddoomiyaha mustaqbalka dhow ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa dhankiisa iftiimiyey in uu si aada ugu faraxsan yahay in uu bah-wadaag siyaasaddeed la noqdo siyaasiyiinta ugu qiimaha badan Somaliland oo dhammaantood ba ku jira Xisbiga WADDANI, waxaana uu guddoomiye Cirro uga mahad-celiyey in uu fidiyey gogashii Xisbiga isla mar ahaantaana ay ku soo hirteen dadkii iyo siyaasiyiintii qiimaha lahaa, isaga oo dhanka kale na ka hadlay sida uu u arko u arko xilka guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI ee loo banneeyey.
“Waxa farxad weyn ii ah in aan Xisbiga WADDANI kula bahoobayo rag igu cuslaa siyaasadda Somaliland, dhallinyaraddii na ciyaarahu waad garanaysaane marka kubadda la ciyaarayo kooxaha la samaynaayo waxa la isku gee geeyaa ciyaartoyda ugu fiican oo qaar ba meel baa laga soo xulaa inta ugu wanaagsan , marka waxa aniga sharaf iyo farxad weyn ii ah oo rayn rayn ii ah ragga aan siyaasadda kula soo bahoobay oo ah rag aad u qiimo badan oo ah intii ugu qaalisnayd Somaliland, markaa marka aan raggaas iyo beeshayda aan isla helo uma malaynaayo in ay cidi na horjoogsan doonto, marka ragga noocaas ahi ku garabtaagan yihiin wax walba waa loo badheedhi karaa, aad iyo aad ayaana aan Cabdiraxmaan Cirro ugu mahad-celinayaa in uu Xisbigii furay oo ay ku soo hirteen dadkaas wanaagsan ee qiimaha badan oo uu saaxadda hagaajiyey aad iyo aad baan ugu mahadinayaa, xilka guddoomiyenimo ee la innoo dhiibayna beesha oo kaliya maaha oo waa la og yahay in beeshu(Arab) ay mar walba Somaliland badbaadiso marka ay cidhiidhi gasho se waxa la innaga rabaa in aynu tabliiq siyaasaddeed aynu reeraha oo dhan ugu tagno oo albaab walba garaacno.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay ugu dambeyntii, ayaa dhankiisa sheegay in ujeedka Xisbiga WADDANI loo aas aasay ay tahay siddii uu Xisbigaasi u noqon lahaa Xisbi ay iska lee yihiin shacabka Somaliland isla mar ahaantana ay iska soo sharaxi karaan cid kasta oo u abtirsata magaca Somaliland.
“Waxa aan aad u soo dhaweynayaa in maanta talada la ballaadhiyo oo Xisbiga WADDANI waxa ka go’an in talada la wada yeesho. xisbiga WADDANI waxa ka go’an in talada la wada yeesho oo ay ka dhaxeyso shacbiga Somaliland, ujeedada WADDANI loo sameeyeyna waxa ay ahayd in la helo Xisbi shacbigu wada lee yahay, waxa aan caddeynaynaa in wareejintan la wareejinaayo guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI in ay marag ka tahay in Xisbigu aanu cid na u xidhnayn, in aanu beel gaara u xidhnayn, tii hore u haysayna uma xidhna ta imanaysa na uma xidhna e’ waa Xisbi innaga wada dhaxeeya oo maalin ba nin baa iman doona, waana aan ku faraxsanahay in aan shacabka deegaanaddaas aan ku wareejiyo guddoomiyenimada WADDANI.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro