“Maxamed Kaahin Miyaanu ahayn Ninkii Sideeda Wasiir ee Habar jecelo ka Dareeriyey Xukumaddii Cabdiraxman Tuur” Axmed Saleebaan Dhuxul

0
673

maaHargeysa (Waaheen)- Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa khudbad uu ka jeediyey madal uu xisbigu ku soo dhawaynayay haweenay ku soo biirtay ayuu kaga hadlay xubnihii isbahaysiga dimuqraadi doonka ahaa ee KULMIYE ee iska casilay xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Siilaanyo, waxaana uu Ina Kaahin sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee taariikhda siyaasadda caalamka in dhawr iyo toban wasiir khiyaameeyaan madaxwaynihii soo magacaabay, isagoo ku tilmaamay inay dhabarka toorri kala dhaceen madaxwaynahoodii sharfay, mar uu arrinkaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi:

“siyaasadda waxa la yidhaahdaa waa is aamin iyo rumaysi, taariikhda siyaasiga ah ee caalamka wali kamay dhicin dhawr iyo toban wasiir oo Madaxwaynahoodii magacaabay khaayinimo ku sameeyey oo toori dhabarka kala dhacay, dhawaan waxaanu soo bandhigaynaa inay ugub ku tahay taariikhda ugubka ah ee ay qoladaasi (Isbahaysigu) samaysay khaayinimada iyo daacadnimaduna meel wada galaan”.

Eeddaas uu Maxamed Kaahin Axmed u jeediyey garabkuu uu Xirsi Xaaji Cali hogaaminayay ee xukuumadda iska casilay waxaa garabkaasi ka difaacay afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo ku sugan dalka faransiiska, waxaana uu sheegay inuu Maxamed Kaahin yahay qofkii ugu horeeyey ee dhabarka ka toogta madaxwaynihiisii isagoo iscasilay wakhtigii uu Cabdiraxmaan Tuur talada dalka hayay, waxaana uu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul:“ Muj.Maxamed Kaahin oo ka hadlaya xaflad kooban oo xisbiga Kulmiye u qabtey koox dumar ah ayaa waxaa uu ka hadley kooxdayadii  iska casilay xukuumada madaxweyne Siilanyo  isaga oo  sheegay in ay aheyd  taariikhda markii koowaad aad iyo aad baan hadalkaas uga xumahay, Waxaan is weydiiyey Maxamed Kaahin miyuu is ilowsan yahay waxaan is leeyahay tariikhdii shalay iyo raadkiisii miyaanu is arkeen  , Maxamed Kaahin waxaa uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee iska casila xukuumada Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali muddo yar ayuu ku jiray waliba Gaashaandhiga ayuu ahaa, waxaana uu horseeday in koox wasiiro ah oo waliba isku heyb   yahiin  ay dawladaasi ka baxaan oo ay dhabarka ka  toogtaan, waliba intii uu  xukumadaas  ka tirsanaa lamuu shaqeyn ee hagar daamo ayuu kula jiray, anagu Madaxwayne Siilaanyo waanu la shaqaynay oo hiil iyo hooba waanu isla garab taagnay ” ayuu yidhi Axmed Saleeban Dhuxul “Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa taariikhda Somaliland baal madaw ka galay kadib markii uu shir la qaatay dhamaan wasiiradii xukuumaddii Cabdiraxmaan Tuur kaga jiray beeha Bariga Burco (Habar-jeclo) oo ahaa 5 wasiir iyo 3 wasiir kuxigeen uuna ku qanciyey inay dhamaantood is-casilaan si xukuumaddu u burburto, xaqiiq ahaana sidii uu doonayay ayay u dhacday. “Wakhtigaas oo uu Maxamed Kaahin ahaa wasiirka Gaashaandhigga, iscasilaadiisu waxay sababtay inay xukuumaddi meesha ka baxdo sidoo kalena ay dagaalo sokeeye dalka ka dhacaan, balse iscasilaaddii isbahaysigu wax dhibaato ah dalka umay horseedin, sidoo kalena Maxamed Kaahin wasiiradii isla casilay dhamaantood beeshiisa ayay ahaayeen halka ay kooxdani ka koobnayd Somaliland daraf illaa daraf”. Ayuu yidhi Af-hayeenkii Hore Dhuxul