Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Oo Shil gaadhi ku galay Hargeysa Duleedkeeda

0
124

Hargeysa (Waaheen)Wasiir ka tirsan xukuumada Madxweyne Siilanyo iyo laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa ay goor dhaweyd ku dhawaacmeen shil gaadhi.

Masuulyiintan ayaa waxaa ay  kala yahiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil  Cabdilaahi Axmed , xoghayaha Guud ee  xisbiga Kulmiye Xassan Siciid Yuusuf iyo Siyaasi Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro).

 

Shilkan gaadhi ayaa waxaa uu ka dhacay deeganka biyo Shiinaha halkaaso oo uu madaxweyne ku xigeenku ku tagay Kormeer uu ku soo indho indheynaayey biyo baaladhinta Caasimada Hargeysa waxaana wararka soo gaadhaya shabakada Ilaysew.com ay sheegayaan in dhaawacoodu aad u fudud yahay isla markaana lagu soo wado cisbitalka Guud ee magaalada Haregysa .

Masuulyantan ayaa waxaa la sheegayaa in ay wada saarnaayeen hal gaadhi