Cali Guray Oo Ka Hadley Siyaasiyiintii Isbaheysiga Kulmiye Ee Xisbiga Waddani Ku Biiray .

0
48

img_5e92b8-1094d5-1ab53d-054047-e91b33-576c9dHargeysa (Waaheen) Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Muj.Cali Yuusuf Axmed (Ali Guray ) ayaa waxaa uu ka hadley siyaasiyiintii isbaheysiga Kulmiye ee ku biiray xisbiga Waddani waxaana  uu yidhi “Shaxda gudaha WADDANI baa haysta. Loogu tegi maayo kolay wakhtigan xaadirka ah. Balse waxad moodaa in wax badan oo gudaha iyo debedda ah in aanay xisaabta ku darsan mar hadii Garabkii, Kulmiye ku biiray UCIDna tirada ka baxay sida ay is leeyihiin. Ma arkaan waxa hareerahooda iyo gadaashooda ka iman kara iyo inta talootin aanay iyagu xisaabta ku darsanayn suurtogal noqon kara ee iyaga ku noqon kara “af-ka-la-qaad” ayuu yidhi Muj .Cali Guray