Hal Qof oo ku Dhintay Mudaharaado Gil-gilay Magaalooyinka Borama iyo Wajaale

0
119

mudaHargeysa(Waaheen) Hal Qof  oo shacab ah ayaa  ku dhintay  labba kalena  way  ku dhaawacmeen  rabshado ka dhacay Magaalo Ganacsiyadeedka Tog- wajaale  ka dib  markii ay ciidanka Booliska wajale ay rasaas  Nool ku rideen dad ka cabanayey  goob lagu muransanaa oo ay ku ganacsanayeen dad ka soo jeedda beelaha laga tirada badan yahay ee degan magalada Wajaale,  oo la sheegay in ay iyagu lahaayeen dhulkaasi islamarkaana ay maamulka wajale isku dayeen in ay ka raraan dadkaasi.

Rabshadahan oo socday sacado badan isla markana kala xidhay maalada Wajaale ayaa markii danbe waxa soo gaadhay Wajaale Maamulka gobolka Gabilay oo ay hogaaminayaan Badhsaabka Gabiley iyo Maayirka Gabilay waxayna sheegen markii danbe in ay u kurgalayaan sabsabta keenay dilkaasika dhacay Wajaale isla markana taalabo ay ka qaadidoonan ciidii ay ku cadaato in ay ka danbeysay.

Dhanka kale Mudaharaad ayaa ka dhacay Xarunta Gobolka Awdal ee Borama halkaasi oo ay mudaharaad ka sameyen qaadlayaasha Borama ka dib markii ay sheegen in lagu kordhiyey lacag dawlada hoose  ee Borama ay  ka qaadi jirtay, Ciidanka Booliska ayaa Rasaas Nool ku kala  kaxeeyey dadkii mudaharaadayey.