Somaliland: Dal sharcigu qabto Miskiinka

0
74

 

somaliland Somaliland oo ah dal aan la aqoonsanayn, hadana bara dhaafiyey in uu buuxiyo shuruud kasta oo dal leeyahay ayaa waxa lagaga dhaqmaa noocyo kala duwan oo shuruuc ah, kuwaas oo uu dastuurka dalku baneeyey, sida Dimuquraadiyad, Diin iyo Dhaqan.

In badan waxa Somaliland lagu tilmaamaa dal fur furan oo dadkiisu hibo u leeyihiin ganacsiga iyo inay ku xidhnaadaan dunida inteeda kale, iyagoo adeegsanaya farsamooyin kala duwan. Ku dhaqanka Sharuucda u taalaa waa mid inta badan taala xafiisyadda Dawliga ah, hase yeeshee dadka loo sameeyey ma gaadhaan ama looma sheego, waxaanay inta badan arrintaasi sababtaa in sharcigu shaqayn waayo, tabo iyo xeelado kale oo lagu macaamilo la hindiso. Dadka shicibka ahi waa kuwo qaata amar kasta iyagoo aan wax gor-gortan ah ka galin fulintiisa ama sharciyada lagu amrayo aan talo ku lahayn, waxaanay taasi horseedaa in kolba cida madaxda u noqotaa ka yeesho nidaamka dalka sida ay doonto.

Ma jirto inta taariikhda lagu hayo wali masuul qof dacweeyey oo sharcigu qofkii u hiiliyey, hase yeeshee waxa ciidaa ka badan in masuulku xidhan karo, ciqaabi karo isla markaana hantidooda qaadan karo shacabka, isagoo ka baqanayn sharci iyo masuul talaabo ka saraysa ka qaadi kara. Waxa caado noqotay in marka laga hadlayo in la ilaaliyo nidaamka dadka loo dhacsiiyo in uu iyaga uun masuuliyaddi saaran tahay, balse aanay jirin cid masuuliyiinta farta ama ku ilaalisa ku dhaqanka sharciga. Xuquuqda bini’aadamka dunidu meel adag bay iska taagtay inkasta oo dawladaha qaarkood la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan ka dhigtaan hadana dunida Islaamka ah ilaahay waxa uu usoo dajiyey kitaab ay ku cadahay xurmada qofka bini’aadamka ahi uu leeyahay, ay mudan tahay na in loo ilaaliyaa.

Shuruucda dalka lagaga dhaqmo ee uu dhaqanku ka mid yahay waxay saamayn xun ku yeelatay luminta xuquudii muwaadiniinta, waxaanay fursad u noqotay uu ciqaabta kaga baxsado kii talada hayey marka uu ku xad-gudbo. Falal lidi ku ah sharafta bini’aadamka ayey maalin walba ku tumanayaan masuuliyiinta dalkan Somaliland ka talisaa, isla markaana waxay dulmi, Tacadi iyo danbiyo ka dhan ah bini’aadanimada ka galayaan dadka dan yarta ah ee ay ahayd inay u ilaaliyaan cirdigooda, dhaqankooda iyo dhaqaalahooda.

Sida kor ku xusana hay’adaha maalin walba maxkamaddaha horkeena dadka masaakiinta ah ee sharciga u hogaansan ama ku khasbaniba, ma keenaan masuuliyiinta danbiilayaasha ah sharciga hortiisa, taasi na waxay ugu danbaynta Somaliland gayaysiin kartaa in maalin uun xaqu dilaaco oo danbiilaha ilaahay umadda horteeda ku ciqaabo, iyadoo looga jari doono siyaabo badan oo aanu iska difaaci doonin.