Komishanka Doorashooyinka oo maanta soo Xidhaya Diwaangalintii Cod-bixiyayaasha

0
134

Hargeysa(Waaheen) Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaya inay dhamaatay Diiwaangalintii Cod-bixiyayaasha ee ay ka soo qabteen goboladda Somaliland oo dhan, taasoo ku soo dhamaatay Guul.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa munaasibadda maanta ku soo bandhigi doona Qudbado ay kaga warami doonaan maraaxilkii kala duwanaa iyo geedigii dheeraa ee ay usoo mareen hawshan, isla markaana ku soo bandhigi doona natiijadda ka soo baxday Diiwaangalintan.

Diiwaangalinta ayaa gali doonta marxalado kala duwan oo ay ka mid tahay in la daabaco kaadhadhkii isla markaana dib loogu qaybiyo muwaadiniinta la soo Diiwaangaliyey inta ka horaysa wakhtiga ay u mudaysan tahay Doorashadda madaxtinimada. Komishanka Doorashooyinka ayaa iyadoo gobolaysan xafladdo furitaan iyo xidhitaanka Diiwaangalinta kusoo qabtay goboladda kala duwan, hase yeeshee tani waxay gunaanadi doontaa hayaankii dheeraa ee ay hawshan usoo mareen.

Dhinaca kale, lama garanayo Komishanka Doorashooyinku inay ka hadli doonaan iyo in kale Dacwadda ka taagan lixda goobood ee lagu muran san yahay ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Awdal ee ay Dacwadeedu taalo Maxkamadda sare ee Somaliland, maadaama aanay hore uga hadal arrintaas.