Telesom oo Daah-furaysa Adeega Internet-ka 4G++ Mobile

0
397

Waxay Carwaddu ka furmaysaa maanta Hotel Guled

vdbdHargeysa(Waaheen) shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa maanta Hotel Guuleed ka furaysa Carwo ay ku daaf-furayso adeegyo casri ah oo ay shirkaddu usoo kordhisay macaamiisheeda kala duwan.

Carwadan oo socon doonta saddex cisho waxa lagu Daah-furi doonaa adeegyaddii ugu danbeeyey ee Internet-ka kaasoo ah 4G++ mobile, waxaanu adeegani kaga duwan yahay adeegii hore ee 4G+ in aad kaga maarmi doonto inaad is ag sido qalab kale, adigoo ka isticmaali doona Mobilkaaga koolkii iyo Internet-kaba, iyadoo ay kula isticmaali karaan Asxaabtaada iyo Qoyskaagu. Sidoo kale adeegyadda ay Telesom kuu Daah-furi doonto maanta waxa ka mid ah adeeg la yidhaa Cloud service, kaasoo ah adeega kale oo lagu kaydinayo xogta adigoo ka maarmi doona dhamaan qalabkii kale ee aad u isticmaali jirtay xogtaada. C/wahaab Maax oo ah Agaasimaha xidhiidhka Dadweynaha ee Telesom ayaa Waaheen u xaqiijiyey mar uu khadka Telefoonka ugu waramay inay shirkad ahaan macaamiishooda iyo dadweynaha kale-ba usoo kordhiyaan adeegyadda ugu casrisan eek u soo kordha Tiknoolajiyadda casriga ah si ay ugu xidhnaadaan Dunida kale. Maax waxa uu sheegay mudada ay Carwaddu socoto inay macaamiisha u timaada ka haqan-tiri doonaan macluumaad kasta oo la xidhiidha adeegyadda ay bixiyaan, maadaama ay yihiin shirkadda ugu horaysa Isgaadhsiinta Somaliland.