Wefti Maraykan ah oo Somaliland u yimi sidii ay Cadaadis Ugu Saari lahaayeen Xukuumadda Inay Ka Noqoto Korodhsiimadda Golaha Wakiiladda

0
53

Safiirka Jarmalka oo maanta ku soo biiri doona cadaadiska beesha Caalamku ku hayso xukuumadda iyo Midawga Yurub oo berri la filayo

madaxHargeysa(Waaheen) wefti ka socda dalka Maraykanka oo u socda xal u helida khilaafka ka taagan korodhsiimadda mudda xileedka golaha Wakiiladda ayaa shalay soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, waxaanay kulamo la yeesheen siyaasiyiin kala duwan.

Weftigan oo ka kooban lix dublamaasi oo ka socda State Departmenka isla markaana uu hormood u yahay safiirka Maraykanka ee Somaliya ayaa daba socda weftigii hore ee Ingiriiska ee cadaadiska ku saaray Madaxweyne Siilaanyo go’aankii muddo kordhinta ahaa ee loo sameeyey Golaha Wakiiladda. Weftigani waxa uu maanta la kulmi doonaa Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda, isagoo kulamo gaar gaar ah shalay Hargeysa kula yeeshay siyaasiyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale. Kooxdan Maraykanka ah oo ka mid ah Qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinacyada Doorashooyinka iyo Dhaqaalaha ayaa waxa ku soo biiri doona safiirka Jarmalka ee Somaliya, waxaanay ujeedada safarkoodu tahay, sidii ay culays ugu saari lahaayeen xukuumadda inay ka noqoto mawqifkeeda dibu-dhigista Doorashada Golaha Wakiiladda.

Waxa iyana la filayaa inay berri soo gaadhaan Hargeysa wefti kale oo ka socda midawga Yururb, kuwaas oo ka mid noqon doona cadaadiska ay beesha Caalamku ku saarayso Somaliland inay Doorashooyinku ka qabsoomaan xilligii loo qoondeeyey oo ay door weyn ku lahaayeen maadaama ay dhaqaalaha qaybta ugu weyn iyagu bixinayaan.