Shirkii Maalgashiga Somaliland oo Hargeysa ka Furmay iyo Hay’ada Shuraako oo Soo diyaarisay

0
136

shurkaaoHargeysa(Waaheen) Kulan lagaga hadlaayo kobcinta iyo sida loo horumarin karo qaybaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliland,ayaa lagu qabtay Mansoor Hotel.

kulan oo muddo saddex cisho soconaya ayaa waxa soo qaban qaabiyey Hay’adda Shuraako, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Qorsheynta,Masuuliyiinta Hay’adda Shuraako, Ganacstada kala duwan ee dalka, Shirkadaha isgaadhsiinta Hay’addo, khubaro ku xeel dheer ganacsiga iyo marti sharafo aad u tiro badan, waxaana munaasibadii kulan lagu soo bandhigay waxyaabo badan iyo hindisayaal cusub oo ay hirgaliyeen Shirkadaha kala duwan ee dalku iyo muwaadiniin reer Somaliland ahi.

shurkaao1Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb    oo isagu ugu horeyn munaasbadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey kulankan ku saabsan kobcinta ganacsiga, waxaanu u mahadnaqay Hay’adda Shuraako, oo uu uga mahadnaqay doorka ay ka qaadatay kobcinta iyo horumarka Ganacsiga, waxaanu bulshada reer Somaliland ku dhiirigaliyey inay xooga saaran ganacsiga qaybihiisa kala duwan.

shurshirWasiirka Qorsheynta Cali Saleebaan Jirde (Cali Shoombe) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan, waxaanu tilmaamay inuu kulankani wax badan ka tari doono horumarka ganacsiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad iyo faah-faahin ka bixiyey qiimaha uu ganacsigu u leeyahay bulshada, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii Ganacsiga Somaliland loo gaadhsiin lahaa heerka sare, waxaanu tilmaamay in heshiiska Shirkada DP ee Dekadda Berbera uu horumar balaadhan u yeelanayo Somaliland, gaar ahana dhinaca Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Waxbarashada.

Agaasimaha Hay’adda Shuraako Mr Lee oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa isna dhankiisa faah-faahin ka bixiyey muhiimada iyo ujeedada kulankan, waxaanu sheegay in kulankani wax badan tari doono,

shurl shir shur shuraakoi shurakoi shurkaao shurkaao1Dr Maxamed Samatar oo ah khabiir ku xeel dheer Ganacsiga wadamo badan ka soo shaqeeyey oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga waramay qiimaha iyo faa’iidada uu Ganacsigu leeyahay, waxaanu sheegay in kulankan yahay mid wax badan ka tari doona baahiyaha Ganacsiga, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Hay’adda Shuraako oo uu sheegay inay kaalin muhiim ah ka qaadato kobcinta Ganacsiga Somaliland