Maxay Komishanka Doorashooyinku uga hadli la’ yihiin khilaafka Doorashooyinka ee ay Beesha Caalamku soo faragalisay?

0
112

guddoomiyeKomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo hawsha ay u igman yihiin tahay qabashada doorashooyinka ayaan illaa hada ka hadal khilaafka culus ee ka soo cusboonaaday kala qaadista labadii Doorasho ee ay hore u balanqaadeen inay ku qabsoomi doonaan wakhtigii ay u cayimeen ee ku beegnaa bisha march ee sanadka 2017-ka.

Sadexda xisbi Qaran ayaa ku kala aragti duwan kala qaadista Doorashooyinka madaxtooyadda iyo Golaha wakiiladda, iyadoo xukuumadda talada haysaana golaha ka dalbatay in la kala qaado, taasoo uu golaha wakiiladdu-na ku taageeray. Xisbiga Wadani ayaa qaadacay go’aanka Golaha wakiiladda iyo Talo-soojeedinta Xukuumadda, waxaanay taasi keentay inay Beesha Caalamku-na ka hor timaado go’aanka Xukuumadda iyo Golaha, iyagoo Madaxweynaha ka codsaday in uu ka noqdo. Wufuud culus oo ka socota Qaadhaab-bixiyayaasha ayaa xukuumadda u bandhigay mawqifkooda, kuwaas oo ka socday Dalka Ingiriiska, halka shalay oo u danbaysay ay Hargeysa soo gaadheen wefti kale oo ka socda Dalka Maraykanka (State Depqrtment-ka) isla maanta na waxa la filayaa safiirka Jarmalku in uu ku soo biro.

Wufuudan oo Somaliland ka caawiya Doorashooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada ayuu mawqifkoodu cad yahay sida xisbiga Wadani oo kale, waxaanay talaabooyinka ay wadaan mugdi galinayaan inay qabsoomaan Doorashooyinkii la filayey, maadaama ay dhaqaalaha qaybta ugu muhiimsan bixiyaan. Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan qaadacay guddi ururada bulshada rayidka ahi u saareen xalinta khilaafaadka Doorashooyinka ayaan illaa wali ka hadal khilaafkan, iyagoo sheeay hawshaas inay iyagu sharci u leeyihin,

waxaana muuqata inaanay illaa hada wax saamayn ah ku lahayn go’aamada ka soo baxaya cida ay garsoorayaasha u yihiin ee tartamaya. Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaan wali codkooda la maqal, iyadoo khilaaf weyn oo la xidhiidha Mashruuca Diiwaangalintu uu ka taagan yahay lix goobood oo ka tirsan goboladda Maroodi-jeex, Saaxil iyo Awdal, kuwaas oo ay xukuumadda iyo axsaabtu ku kala aragti duwan yihiin in laga qabto Diiwaanglainta Cod-bixiyayaasha oo ah hawsha ay Komishanku gacanta ku hayaan. Waa dhacdadii labaad ee aanay Komishanku ka hadal illaa hada ee dadkii deegaamadda isku haystay markii ay xal waayeen xaaladooduna gaadhay dagaal ay Maxkamadda sare ee Somaliland u gudbiyaan Dacwad, iyagoo quus ka istaagay Komishanku inay soo faragaliyaan khilaafka ka taagan, kadib markii ay xukuumaddu laba talaabo oo iska soo horjeeda ku qaabishay murankan oo ay mar na xidh xidhay dad ka soo horjeeda in laga qabto deegaaadaas diiwangalin, mar na isla dadkii ay xidh xidhay ku taagaeerayso in sanaaduuq loo geeyo. Komishanka Doorashooyinka Qaranka cod ka kali ah ee laga maqlaa waa marka sanduuq meel ay dhigeen la weeraro sida kii Hadayta iyo kuwa Gobolka Sool, dhacdooyinkaas oo ay ku filnaayeen in ay ka hadlaan maamulada heer komishan ee Gobo lama Degmo, halka ay hogaanka sare kaga mashquuleen ka hadalkooda.

Komishanka Doorashooyinka qaranka ayaa looga fadhiyaa bulshada inay usoo bandhigaan halka uu marayo khilaafka Doorashooyinku, iyo waxa uga meel ayaal maadaaama aan ognahay duruufaha sharci iyo dhaqaale eek u gedaaman habsami socodka hanaanka Doorashooyinka ee ay gacanta ku hayaan, taasoo leh caqabado badan oo loo baahan yahay inay iyagu door muhiim ah ku yeeshaan.

Illaa hada ma cada Doorka ay kaga jiraan hawlahan taagan ee ay sababeen shuruucda qabyada ah, kuwaas oo gilgilay rajadii laga qabay inay doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigii loogu talogalay, waxaana loo baahan yahay inay Diirka ka qaadaan mugdiga ku iman kara doorashada Madaxtinimada ee ay xukuumaddu ku cel celinayso inay wakhtigeedii ku qabsoomi doonta, maadaama aynu aragno halka ay ka fad kudisay tii wakiiladdu.