Maxkamadda Gobolka oo xidhay Kaaliyayaal ka tirsan Maxkamadaha hoose ee Hargeysa

0
48

captureHargeysa (Waaheen) Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa markii ugu horaysay ka hadashay hawl-wadeenno ka tirsan Maxakamaddaha racfaanka heer gobol iyo degmo ee gobolka Maroodi-jeex oo dhawaan xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu xidhiidhiyey sanduuq-farriimeed cusub [Accounts] oo lagu faafiyey baraha xidhiidhka bulshada [Social Media] kaasi oo la iskaga hor keennay  bahda Caddaaladda.

Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Maroodi-jeex Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac) oo War-saxaafadeed shalay  soo saaray ayaa ka hadlay xadhiga kaalliyeyaal ka tirsan Maxakamadaha Hargeysa oo ay maxakamaddu waaran qabasho ah u jartay kadib markii ay ku lug yeesheen Facebook Accounts laga been abuuray guddoomiyaha maxakamadda racfaanka oo dhawaan la sameeyey isla markaanaba lagu faafiyey warar barobogaando ah oo ka dhan ah bahda caddaaladda guud ahaan, gaar ahaanna xasaannada guddoomiyaha racfaanka gobolka. War-saxaafadeedkan oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay xalay xarunta wargeyska Waaheen waxaa     uu   Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil “ Halac” ku yidhi “sababta waqtigan keentay in xabsiga loo taxaabo kaaliyayaashan waxay tahay Face-book been abuurka ah oo loogu talo galay in layskaga hor keeno bahda caddaalladda iyo garsoorka isla markaana  lagu faafiyey warar been abuur ah oo boro-bogaande ah ayaa lagu eedeeyey in ay ku lug yeesheen. Baadhista kiiskani way socotaa, waxana gacanta ku haya Hay’adaha baadhista Dambiyada oo iyagu Maxkamada ka soo codsaday waaran sharciya oo lagu qab-qabanayo kaaliyayaashan kaasi oo ay hadda ku xidhan yihiin.  waxana la hor keeni doonaa Maxamad awood u leh”. Ayuu  lagu soo gebogabeeyey war-saxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha maxakamadda gobolka Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac).