Maareeyaha Dekedda Berbera iyo ku-xigeenkiisa oo khilaaf soo kala dhex galay

0
138

Maareeyaha oo markii uu madaarka ka soo degay xayiray lacago uu bixiyey ku-xigeenkiisu

maareeyeBerbera(Waaheen) magaaladda Berbera ayaa laga dareemay xurguf maamul oo soo kala dhex gashay Maareeyaha cusub ee Dekedda Berbera iyo ku-xigeenkiisa, kadib markii ay soo shaac baxeen amaro Maareeye ku-xigeenku sii bixiyey intii uu Maareeyuhu ku maqnaa heshiiska Dekedda ee uu u tagay dalka Imaaraadka.

Wararka ka soo baxaya xurgufta labada masuul ayaa tilmaamaya in ay soo shaac baxday kadib markii uu Maareeyuhu ka soo bixiyey Hargeysa amar uu ku joojinayey lacago uu ku-xigeenkiisu u qoray shaqaalaha Dekedda, taasoo uu warkeeda helayey intii uu joogay Imaaraadka.

Lacagaha uu joojiyey ayaa la sheegayaa inay isugu jireen kuwo shaqaalaha Dekedda loo siiynayey xaqal ciid ahaan, iyo kuwo aan toos ahayn oo uu ku-xigeenku ku tisay shaqaalaha qaarkood, taasoo aad looga hadal hayey Berbera tobankii cisho ee ugu danbeeyey.

Maareeyaha Dekedda Berbera ayaa lagu tiriyaa nin aan gacan furnayn, taasoo laga dareemay magaaladda berbera kadib intii xilka lagu wareejiyey, hase yeeshee ku-xigeenkiisa ayaa intii uu maqnaa kala fur furay wax badan.

Mareegaha qaarkood ayaa soo bandhigay wiishash ay leedahay dekedda Berberi, kuwaas oo uu ku-xigeenku bixiyey si ay uga qayb qaataan dhismayaal dad shicib ahi lahaayeen, hase yeeshee kama uu hadal warkaasi jiritaankiisa.

Xurgufta Maareeyaha Dekedda Berbera iyo ku-xigeenkiisa ayaa salka ku haysa duruufaha kala duwan ee la soo darsay nidaamkii ay u shaqayn jirtay Dekeddu ka hor intii aan Cali Xoor Xoor laga qaadin xilka, masuulkaasi oo caan ku ahaa awood dheeraad ah oo uu u isticmaali jiray kala dabarida baahiyaha kala duwan ee cid walba.