Wasaarada Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Qaadacday Go’aan Somaliya Ku Joojisay Diyaaradaha Qaadka

0
51

wasaaradaHargaysa(Waaheen)Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada duulista iyo hawada somaliland ayaa lagu sheegay in xukuumadda somaliland aanay dalkeeda ka madnuucin diyaaradaha qaadka ka keena dalka Kenya oo xukuumada somaliya maanta joojisay.

Wasaarada ayaa sheegtay in somaliya iyo Somaliland kala yihiin laba dal oo jaar ah,waxaana ay cadeyeen iyaga oo ka duulaya shuruucda wadanka iyo madax banaanida dalka Somaliland inaanu khusay go’aanka qaadka miirooga ah somaliya ku joojisay.

War saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xafiiska war qabadka ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.”  Somaliland Waa Dal Madax Banaan Wax Ka Khuseeyaa Ma Jirto Amarka Ay Somaliya Ku Joojisay Diyaaradaha Qaadka Ka Keena Nayrobi Kiniya

Intaas waxa uu ku daray’”Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadii Cirka J/S/L , iyada oo ka duulaysa shuruucda Wadanka iyo Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay cadaynayasaa in aanay waxaba ka khusayn Amar ka soo baxay Dawlada Somaliya oo ay ku joojisay Diyaaradaha Qaadka Miirooga ka keena Caasimada Dalka Kiniya ee Nayrobi.

Wasaaradu waxa ay ku war galinayasaa Dhamaan Shirikadaha Gaadiidka Cirka in aan waxaba iska badalin Isticimaalkoodii hore ee ay ku wada shaqayan jireen.

Allaa Mahad Leh

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista

Hawada Iyo Gaadiidka Cirka