Salaadiinta Gobolka Awdal oo Sheegay in ay Dhimasho ka Xigaan Diwaangalin laga Qabto Goobaha lagu muran san yahay iyo Wasiir Faraton oo Amar ku Biyey in Ciidanku sugan Amaanka Goobahaasi

0
84

 

“Arrintani Diwaangalin way ka Wayntahay, waxanse u malaynayaa in Nafo ku bixidoonan, Xukumaduna waxay Dadka Gobol Awdal u qaadatay Seenyo ah aan  Geeso layn”Salaadiinta Awdal

“Waxaan halkan ka Cadeynayaa in Diwaangalintii ay ka bilabmidoonto Goobaha kala ah Hulka, Cabdi geedi, Ceel la helay, Ceel sheekh, Bidhanley iyo Damasha”Wasiir Faratoon

 

saladiinHargeysa (Waaheen) Qaar ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal ayaa ka Digay Diwaangalin ay xukumadu sheegtay in laga qabanayo lix Goobod oo Xukumadu Xayiraadii ka qaadday kuwaasi oo ah Goobo lagu muran san yahay.

Saladiintan oo daba socday hadal ka soo yeeshay Wasiirudawlaha Amniga ee Wasaarada Arrimaha gudaha oo sheegay in diwaangalin laga qabanayo goobahaasi, ayey Salaadiintaasi sida Fiinta uga qayliyeen waxanay nidar ku galleen in haddii diwaangalin laga qabto deegankaasi uu dhiig ku daadandoono, waxaanay baaq u direen Xukumada Axmed Siilaanyo oo ay u soo jeediyeen in la joojiyo diwaangalintaasi.

Haldoorka Salaadiinta Gobolka Awdal ayaa sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Borama ee Gobolka Awdal.

Saladiintaasi oo arrimahasi ka hadlaya waxay yidhahdeen.  “wasiirkii shalay hadlay,  xaqiiqda Jirta ayuu iska indho tiray, waayo markii uu marayey Tuulooyinka Cabdigeedi iyo Hulka  wuu suuxay oo dadkiina waxay ku yidhaahden anagu waanu isdiwaangalinay, waxaan u malaynayaa in arrintu ka waytay Diwaangalin balse Nafo lagu bixinayo, Xukumadu waxay dadka gobolkan u qaadatay Seenyo aan Geeso layn, waar ka daaya ayaanu idin leenahay, Beelo  waa la sasabaa oo waxa la yidhaahda walaal hayoow, anagan waa naloo hanjabayaa, gobolkan awdal waa gobolkii Somaliland laga dhisay ee ha ka dhigin kii laga burburinayey, deegankaasina waa xasaasi jabuuta ku dhow, Itoobiya ku dhow marka haddii fidmo ka dhacdo waxa meesha soo galay wax ku cadaw ah kuwaasi kale, marka arrinta nabad halagu soo dabaalo haddii kale dhimasho ayaanu ogol nahay”Ayuu yidhi Suldaanku.

“Hadalkan waxa noo keenay hanjabadii ka baxaysay Telefeeshinka, gobolkanina waa gobol nabad ku faana Somaliland Aqoonsiga ay doonayso gobollada ay ku faanto weyi, dadkii gobolka Awdal waa la kicinayaa”Ayuu yidhi.

Waxa kale iyaguna halkaasi ka hadlay Salaadiin kale oo aad u badan dhammaana waxay iska dabba mareen in la joojiyo diwaangalintaasi Xukumadu dabada ka riixayso, waxanay sheegen in dadkii degena goobahaasi ay iska diwangaliyeen gobolada kale oo anay jirin cid isdiwaangalisaa.

Dhanka kale Wasiirka Cusub ee wasaarada Arrimaha gudaha Md. Yasiin Xaaji Maxmauud Xiiray (Faratoon) ayaa sheegay in Xukumada Somaliland ay Diwaangalintii codbixiyaasha ka qabbandoonto lixda goobod ee lagu muran san yahay Gobolkii ay raacilahaayeen, goobahaasi oo kala ah  Hulka, Cabdi geedi, Ceel la helay, Ceel sheekh, Bidhanley iyo Damasha, waxaanu Wasiiru Ciidamada Booliska Amar ku siiyey in ay la wareegan nabadgelayda goobahaasi mudada ay ka socoto diwaangalintu.