Sarkaal Boolis ah oo lagu dilay Muqdisho

0
67

Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay sheegayaan in fiidnimadii caawa lagu dilay Sarkaal Booliska Dowladda Somaliya ka tirsanaa.
Sarkaalkaan, ayay rag hubeysani ku weerartay xaafadda Jamhuuriya, xilli uu dhex lugeynaayay xaafadaasi. Ragga dilka gaystay oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa qaybaha kore ka toogtay Sarkaalkaasi.
Dembiilayaasha, ayaa dilka ka dib ka cararay xaafadda Jamhuuriya, oo daqiiqado ka dib ay buuxiyeen Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmada Kaaraan, mana jirto cid la sheegay in dilka Sarkaalkan ay u soo qab qabteen.
Inkastoo laamaha ammaanku aanay weli ka hadlin Sarkaalka lagu dilay Degmadaasi, ayaa waxay dhanka kale ilo wareedyo sheegayaan in Sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Caddow Maxamuud uu ka tirsanaa Hogaanka Gaadiidka Booliska.
SOURCES: UNIVERSA SOMALITV.