Xasuuqu Waa Dhaqan Biddeed Dadka Dhaqan Gobeedka leh ee Isaaqa iyo Ogaadeenkuna Isma xasuuqaan

0
180

Xasuuqu Waa Dhaqan Biddeed Dadka Dhaqan Gobeedka leh ee Isaaqa iyo Ogaadeenkuna Isma xasuuqaan

qoraaa Cali Dool Axmed (ex.C.Qoryoley) 09.07.2016

cawMowduuceeni waa mid guud ahaan bishaara nabadeed u ah,dadyowg geeska Afrika,gaar ahaana dadyowga reer Somaliland iyo reer Itoobiya,mowduucani mar kalena waa mid baroordiiq iyo boogo dhayid u ah dadkii eheladoodu ay ku nafwayday dhacdadii Tuulada J.Dubad,,mar kalena waa mid balaaya xijaab u ah, beelaha ogaadeenka iyo Isaaqa,waana bid baraarujin madaxeed iyo baalbaalid xaaladeed u ah dowladda iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Somalida Itoobiya,islamarkaana waa mid boholotus iyo bbanbaano u ah madaxda dowladda federaalka ee Itoobiya iyo madaxda dowladda jamhuriyadda Somaliland.

Ugu horreynta xaqiiqadu waxa weeye in aanay umadaha dhaqan gobeedka lihi is xasuuqin,bulshada dhaqankoodu liita ee ay awooyaasheen u yaqaaneen BIDDAHA, ayaa markay colloobaan is xasuuqda,sida bushooyinkia badhtamaha Afrika ku dhqan,laakiin bulshada dhaqan gobeedka hiddaha u leh ,codhadooda iyo caaradaha waramadoodaba way xakameeyaan,ismana xasuuqaan sidii reer Ruwanda.

 

Akhristayaal taariikhyahan ahaan iyo qoraa ahaanba,farriintaydu waxa weeye,in aan idin xusuusiyo,in aanay beelaha somalida ah ee kililka 5aad wada dega aanay abidkood is xasuuqaynin,sikasta oo ay dagaalo u dhex maraan,welibana beelaha Isaaqa iyo Ogaadeenka oo lagu kuunyado inay yihiin labada beelood ee ugu gobsan ,ugu dhaqan wanaagsan qowmiyadda Somalida,lagama fili karo inay is xasuuqaan ama ay is gumaadaan.maxaayeelay weligoodba colaado way dhex mari jireen,lamanasoo sheegin,xilli hore oo ay dagaalo dhex mareen,dabadeedna ay iska tuureen ama iska illaaween dhaqankoodii gobanimo ee ka caaganaa xasuuqa iyo gumaadka dadka bir ma gaydada ah iyo maatada,waxaanan filayaa,in dilkii loogaystay dadkii shicibka ahaa ee lagu laayay tuulada Jaamac Dubad,in aanay ciidamadii dadkaas laayay rag ogaadeen ahi ku jirin,sideedabase isku dhacyo iyo dilal way ka dhex dhici karaan beelahaas,waana soo jireen inay degdeg uga wada hadli jireen, kana heshiin jireen,sidii uu dhaqankoodii gobanimo ahaan jiray..(xagga hoose ayaan ku faahfaahin doonaaye).

 

Waxa kale oo aan ogahay, oo aan shaki la’aan ku kalsoonahay,,in aanu jirin nin u dhashay beelaha Isaaqa, oo colaad isir nacayb ah iyo calool xumo u haya bulshada ogaadeenka,dowlad deegaanka Somalida Itoobiya iyo dowladdda federaalka ah ee itoobiya,mana malaynayo inuu jiro,nin ku fekeraya, sidii uu colaad cusub uga dhex hurin lahaa dadyowgaas isjecel ee geeska Afrka ku wada dhaqan.

 

Aan ku horreyyee,sida aynu wada ognahay,Somalidu waxay ku maahmaahdaa,oodi ab ka dhowe,reer Somalilandnow dadweynaha beesha ogaadeenku waxay inoo yihiin lingax inagu gadaaman, oo dhaxanta iyo dhibaatadaba inaga gudban,maxaayeelay deegaanka beeshaas aynu wadaagno ayaa ugu dheer, jaararka kale beelaha Somalida ee hoos yimaada maamulka dowlad deegaanka Somalida Itoobiya,tusaale ahaan ,kasoo bilow carrra Majeerteen ilaa degmada Jidwaaq,ayay Ogaadeenku inagu gudban yihiin,oo ayaynu wada degnaa,dhaxdin iyo dhaqan ayaa inaga dhexeeya,inan iyo abtigii ayaynu wada nahay,ceelasha ayaynu ka wada cabnaa,cuudka

ayaynu howd iyo Oogo ku wada dhaqanaa,baadidaynu isu celinaa,beri samaadka ayay dhalinyaradeenu wada cawaysaa oo wada ciyaaraan, dadyowga sidaas dhaqans wadaagta u ahi ma colloobi karaan.

 

Mar labaadkana aan yara kaftamee, markaynu yara abla-ablayno ama aan faaleeyo jilibada beesha Ogaadeenka iyo jilbida beelaha Isaaqa,marka hore waa xaqiiq inay yihiin,laba beelood oo ka siman dhaqan wanaagga,dheg ilaashiga iyo dhaqan gobeedka ugu meeqaan sarreeya,haseyeeshee kaftankaygu waxa weeye inay labadaas beelood ee Isaaqa iyo ogaadeenka, ay ku jiraan ama ay horumuudba u yihiin, laba jilib oo aan halkan ku hogotusaalayn doono,kuna naanaysi doono 2da Wiilwaal,tusaale ahaan,aan idhaahdo,Wiilwaalka Isaaqu waa jilibka Habaryoonis,Wiilwaalka Ogaadeenkuna waa jilibka reer Cabdulle.

 

Wiilwaalak isaaqu waa nimankii gaalada qaawan la baxay 80 sano horteed,waa reer talo leh oo sidii qaab dowladeed u dhisan isuguna gurmada,dagaal ujoogna ahaan jiray,waa niman isu yaqaano, inay yihiin madaxdii isaaqa,tala qabeenkii iyo xooggii Isaaqa,run ahaantiina jilibada kale ee walaalohood ah waxbay dheeryihiin,wayna ka rag aqoonsan yihiin,dhinaca xeerbeegtida iyo garqaadistana ,waxa la yidhaahdaa,way caddaalad badan yihiin,waxana jirta inay Habaryoonistu ka hor hana qaaday beelaha la siman ee Isaaqa ah,waxa la yidhaahdaa,markay garnaqsanayaan,hadal aqoonsanaa iyo codkarsanaa,waa niman ku dhac badan,balse aan colaadaha ku degdegin oo dheg xumada iska ilaaliya.

 

Xilligii gumaystihii Ingiriiska ilaa laba sarkaal oo Ingiriis ah ayay dileen,midi waa kornaylkii loo yaqaanay Giib,kaasoo isaga oo dhulka howdka ah dhex maraya oo hor socday guuto ciidan ah oo inay reerihii deegaamadaas cabiidiyaan tagalkoodu ahaa ay niman Habaryoonis ahaa ay toogteen goor iskana baxsadeen,dabadeedna markii ay gugii dambe gaadhay ay caweys iyo hees ciyaareed uu ninkii dilay ku faanay,sidaasna ay ku qiratay Habaryoonis dilka sarkaalkaas,kadibna ay noqotay inay xeerbeegtidii Habaryoonis iyo dowladdii Ingiriisku ka wada xaajoodeen wixii laga yeeli laha adhiigi ninkaas,mag inay bixisana lagu heshiiyay,dabadeedna magtiisii uu u kitaab dayay Sheekh qaadi Burco ka ahaa oo Habaryoonis ahaa,kaasoo xukumay inay Habaryoonis Giib ka bixiso soddon iyo saddex halaad oo geel ah,qaraarkaasoo dowladdii Ingiriiska ka yaabiyay,laakiinse uu sheekhii qaadiga ahaa ku qanciyay,in marka diinta islaamka la raaco, Magta ninka gaalka ahi ay sodon iyo saddexdaas halaad tahay,laakiin magta ninka muslinka ahi ay 100 halaad tahay,balse ugu dambaynta ay xeerbeegtidii Habaryoonis la garnaqsatay maamulkii ingiriiska kana gar heshay kadibna ay Ingiriiskii iska qaateen MAGTII GIIB,

 

Nimanku waxay kasoo jeedaan curadkii Sh Isaaq ama curadkii baha Magaado,waxana uu Sheekh Isaaq eebbe raali haka noqdee uu xil saaray, inay garsoorka u yahaan bulshadooda iyo dadka ku dhaqan gobolkanba,waxana uu sheekhu curadkiisii Ismaaciil uu ku naanaysay Gar Xejiye ama Garxejis (micnaha Garsoore) ,waxa lagu yaqaanay deeq iyo dulqaad iyo hogaamin bulsheed oo aanay taladu ka lumin dhibkasta oo ku timaada,xittaa haddii ay aasayaan 100 mayd oo dagaal kaga dhintay talada kama lunto,wadatashigooda iyo go,aanka xeerbeegtidooda tusmaysan ee DABABKA loo yaqaano ayay beesha Habaryoonis tixgelisaa kuna dhaqantaa..

 

Aan jalleeco dhinaca iskalsoonidooda bulsheed, waxa la yidhi,Islaan weyn oo jilibkaas ka dhalatay oo BBCda dhagaysanaysa,ayaa ka maqashay,dowladda Ruushka ee xogga weyn ayaa waxaas iyo waxaas sheegtay,markaasay nin agjoogay ku tidhi,hooyo Ruushku miyuu Habaryoonis la dagaalamay oo uu ka adkaaday?,maya ayuu ninkii ku yidhi,markaasay hadana islaantii weydiisay ninkii,oo haddaa sideebaa lagu ogaaday inuu xoog weyn yahay Ruushku?.,sikastaba ha ahaatee waxaan ku kalsoonahay,in aanay xeerbeegtidii Habaryoonis ee tusmaysan aanay weli ka hadal dhacdada Jaamac Dubad,maalintay ka hadlaana wax lagu farxo iyo bishaaro nabadgelyo uunbaa laga filayaa,dacaayaduna waa ku ceeb dhaqan ahaan xeerbeegtida jilibkaas,inay ku dhaqaaqaan cambaarayn madaxeed iyo la garnaqsi madaxda dowladda kililka 5aad oo ka baxsan gacanta iyo

go’aamada xeerbeegtida Habaryoonis iyo gudoonka suldaankooda lama fili karo,,garnaqsi meelahaas dhaafsiisan kuma habboona waxgaradka Habaryoonis.,cabashooyinka iyo hadalada qaarkoodna waa ku ceeb dhaqanka beesha gobta ah Habaryoonis.

Tusaale ahaan,waxaan xusuustaa dhacdo dilal ahayd oo ka dhacday magaalada Burco bilowgii 1998dii, dabadeedna nin u dhashay qoladii uu ka dhintay marxuumkii ugu horeeyay ee la dilay,ayaa inta uu qori AK ah soo qqaatay,rasaas ku furay dad badan oo joogay suuqa faras magaalaha,kadibna waxa rasaastii ay ku dhacday dad badan oo rag iyo dumarba isuggu jiray,waxana goobtii ku geeriyooday ilaa 6 ruux oo shicib ahaa,aad ayay bulshadii reer hargaysa uga welweshay fidmadaas,kadibna aniga oo ka calaacalaya wixii dhacay,ayuu nin waayeel ahaa oo dad aqon ahaa uu igu yidhi,Caliyow soow habaryoonis maaha nimankan 6da ah ee Burco geeriyooday,haa ayaan ku idhi,markaasuu odaygii igu yidhi,waxba dhici maayaane ha welwelin,maxaayeelay anagu waayadii hore waxaanu odhan jiray magaalada Burco waxay ku taagan tahay,dulqaadka Habaryoonis iyo dadaalka H/jeclo iyo deeqda H/Awal,xaqiiqo ahaan,dhacdadaasi halkaas ayaa lagu damiyay oo may dhaafin,waa laga wada hadlay oo laga heshiiyay,qisadan waxaan usoo qaatay inaad wada dulqaadka beesha Habaryoonis,islamarkaana aad wada garwaaqsataan tala qabeenimadooda.

 

Aan eegno dhinaca jilibka reer Cabdille,ee Ogaadeenka Wiilwaalkooda aynu ku naanaysnay,waa nimanka ugu qab weyn kilikka shanaad, balaayo aanay reer cabdille dhigin Ogaadeeka kama dhexdhacdo,nabad aanay reer Cabdille horseedka ahayna bulshada Ogaadeenka kama dhex shaqayso,nimanku waa nimankii Haradii Gurdumi balaaya dhigay,nimanku waa qoladii tashanaysay mudada 6da bilood ah,ee duhurka cad weerarka dilka ah la beegsaday hogaamiyihii daraawiishta ee sayid Maxamed Cabdille Xasan,taariikhdu dadkay bartaa dunida waayeheeda,taariikhdu dadkay bartaa degaanka waayihiisa,

Aan idhaahdo,odaygii Maxamed Subeer goblanbuu ahaan lahaaa, haddii aanay ka isirreyn reer Cabdille,nin ku dhashay magaalada Qabridahare oo aad u yaqaana dhaqanka Ogaadeenka kuna dhex koray Reer Cabdille ayaan ka qoray,waayadii colaadihii aan la mahadin ay jireen. ee ay gobolka Ogaadeenya dabka ka hurin jirtay Somaliya,waxa dhici jirtay inuu nin reer Ammaadin Jeerar ahi inta uu qori qaato oo uu kolanyo ciidamadii Dergiga ah oo baabuur badan wata, inta uu keligiis is wadada u joogsado inuu hortaago oo uu weerar qaawan ku qaado,oo cidaamkooda qaado,isaga oo aan innaba wax baqa ah qabina uu dhinto ama uu inta wax laayo kaynta iska xulo.

Dareenka cabsida iyo cararku waa ku ceeb dadka Oogo degeenka ah,balse gumaadka dadka maatada ah iyo dilka Birma Gaydada ayaa qolada Ogaadeenka waxkasta kaga xun,dhaqan ahaana inay dhintaan ayaa u dhaanta nimanka ogaadeenka inay ceeboobaan ama inay sidii Biddaha xasuuq sameeyaan..

 

Haddii aan yara jalleeco dhacdooyinkii taariikheed ee waayadii la asaasayay, colaadihii xoreynta Ogaadeenya loo yaqaanay,amaba waayadii halgankii jabhaddii aan la mahadinin ee Somali galbeed la magacbaxday,ayay rag u dhashay beelaha Absamuhu 1950meyadii shirar ku yeesheen Hargaysa isna abaabuleen,ninkii Hargaysa laga doortay 1960kii ee Cumar Dheere la odhan jiray ayaa ka mid ahaa raggaas,dabadeedna waxay la tashi ugu tageen,odaygii xilligaas ugu da’weynaa ee beelahaas ee Hargaysa ka joogay,kaasoo la iigu sheegay inuu ahaa,garaad Afwaranle, waxay ku yidhaahdeen,raggayagani waxaanu asaaskeeda wadnaa,jabhad ama xisbi u dhaqdhaqaaqa xorreynta dhulka Somali galbeed ama ogaadeenya,markii uu xogwaraystay ayuu ku yidhi,raggiinan miyay nimankii reer Cabdille idinku jiraan?,maya ayay ku yidhaahdeen,dabadeedna waxa uu ku yidhi,guulaysan maysaan reer Cabdille la’aantood,ee orda oo reer Cabdille doona,markaas kadibna iikaalaya,way ka tageen,rag jilibkii reer Cabdille ah ayay soo urursadeen,dabadeedna maalin dambe ayay garaad afwaranle u yimaadeen,markaasuu su’aashii hore waydiiyaymarkaasay ku jawaabeen,haayoo rag reer cabdille ah way nala socdaan,markaasuu hadana ku yidhi,raggiinan jabhadoodu guulaysan mayso,!! garaad.maxaa dhacay soow adigii reer Cabdile la’aantiis guulaysan maysaane orda oo doona reer cabdile aad nagu ttidhi,imikana soow anagan rag reer cabdille ahi ay nala socdaan maxaanana u guulaysanaynin?,markaasuu ku yidhi,horta reer Cabdille waa laanta ugu

dheer Absamaha,waa reer tiro badan iyo tala badan leh oo togag aad u bandanna dega, waxana iiga kiin muuqata,ururiskiinani in aanu tixgelinaynin horseednimada iyo hogaaminta lagu guulaysto reer Cabdille sidaas ayaydaan u guulasnaynin

 

Oday waayeel ah ayaan ka qoray waayadii ay socdeen colaadihii aan lamahadin ee u dhexeeyay jamhadihii somaliya ay abaabuli jirtay 1969-1988dii,waxa uu yidhi,markasta oo aanu faalaynayno dagaalkii aan la mahaid,haddaad iswaraysataan nin cabdille ah,midkasta waxa uu halhays u lahaan jiray,(Haddii la hubeeyo dhowr kun nin oo reer Cabdille ah oo laga dhaqaajiyo,Qorraxeey,Faafan iyo Nogob,dhowr habeen kumay qaadateen inay,qabsadaan magaalada Addisabab,kadibna inta ay soo qabtaan Hayla Sillaase ay isaga nool Hargaysa keenaan),.

 

Hadaba haddii aanay labadaas Wiilwaal aanay inagu hogaamin go,aan Wiilwaal oo ay gooni gooni usoo kala gaadheen,waxa hubaal ah in aanay mushkilad ka dhex dhici doonin beelaha Isaaqa iyo Ogaadeenka.

Haddaan eego dhinaca suyaasadaha dowlad deegaanka somalida Itoobiya iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland,waxaan xusi karaa,inay labada dowladoodba la wada dagaalameen,jabhaddii ONLF la odhan jiray,ee caqabadda ku ahaan jirtay deganaanshaha deegaanka Somalida Itoobiya iyo horumarka bulshada kililka 5aad ee cusub ee uu horseedka ka noqday madaxweyne Maxamed Cumar,degananasho la’aanta Somalilandna khatarbay ku tahay horumarka uu wado madaxweyne Cumar iyo wanaagga labada umadood,

 

Waxaan xusuustaa,inay Somaliland wiilal jabhaddaas ah ayay Hargaysa ka qabqaban jirtay oo ay dowlad deegaanka Somalida Itoobiya gacanta ka gelin jirtay,dabadeedna arrintaas ay ficil ahaan kaga wajaabtay ONLF, iyada oo ilaa 75 baabuur oo ay lahaayeen ganacsato Isaaqa ay ku gubeen dhulalkii ay ka shufteen jireen ama waddooyinkii gobolka Ogaadeenya,gubistaas gaadiidka iyo badeecadaha ee ay ku kacday jabhaddaasi maalin qudha dareen xanaf leh ugama aanay jawaabin bulshada isaaqu,waxay ka muujiyeen bisayl siyaasadeed iyo inay qadarinayaan xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee k dhexeeyay Isaaqa,ogaadeenka iyo dowladda Itoobiya.

 

Waxaanan aaminsanahay in dhacdadaas Jamac Dubadna,in dulqaadkeeda ay beesha Habaryoonis ka yeelan doonto,shacabka tuulada Jaamac Dubad waa reer Iboobiya,waxana xukuma madaxweynaha kililka 5ada,waxay la xuquuq yihiin,dadka kililka 5aad,ee ay ciidanka new boliisku ku nabadgelyadooda ilaaliyaan,markay doonaana ay ku amar ku taagleeyaann,inaynu Somalilan ahaan,aan si gaara ugu garaangarno reer Jaamac Dubadna,ilama qumana downa maaha, taasi wax ay reer J.Dubad ka xumaynayso mooyaane waxba uma wanaajin doonto,

 

Arrimaha ciidamada new bilooska ee xuduudaha Somaliland soo galena,waa shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland,waa arrin ay tahay inay labada dowladood hab hoose oo wada hadal diblamaasiyadeed ah ay ku dhamaysantaan,iyada oo aanan jeclaysanaynin,inay qaar saraakiisha dowladda Somaliland ee gobolka Togdheer ahi ay arintaas kor u qaadaan,oo u ekeysiiyaan sidii laba dowladood oo xidhiidhhkooda iyo wada hadalkoodu uu kala go’an yahay, oo midiba ay midda kale ay ceebeheeda saxaafadda marag uga dhigayso,si ay bulshada caalamku u ogaato gardarada lagu hayo.

 

Madaxweyne C.M Cumarna waxaan ku odhan lahaa,Ina Abtoow horta nin dhalinyara ah ayaad tahay,shaqo mugweyn oo taariikhaha lagu qori doonana 10kii sano ee tagay waad u qabatay,gobolkaagii ama dalkaagii xaqiiqiyan ogaadeenya waad qaramaysay,oo manta dadkii dib u dhucu dilooday,ee Qaarijiqood iyo Qorrexeey ku dhaqnaa,waxaad ka dhigtay muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la siman qowmiyadaha qayrkood ah,inay Itoobiya madaxweyne ama ra’iisal wasaare ka noqdaana way hawaysan karaan,halganka siyaasiga ah iyo dhaqancelinta jabhadihii ay Somaliya maskaxdooda xumaysay,sida raggii dawakhsananaa ee ONLF la odhan jiray ee fallaagada ahaan jirayna,mar qudha dacaayadohooda iyo diradiraalohooda xun ha u debcin.

 

Midda kale ogow in aanay Somaliya wax ay xumayse mooyaane, aanay weligeed wax wanaajin,ogowna in Isaaqu ay weligood waxay wanaajiyaan mooyaane aanay wax xummaynin,ogow inay dad qalbi wanaagsan yihiin,weliba iyaga hadalhaynta maamulkaaga iyo cabashada badan u fasax,hana qoonsanin,waxba uma hooseeyaan iyaga sida dad kale e.midda kale dadkii halkaas ku dhintay,habdhaqan Somaligeenii wanaagsanaa u xalli,ka horse hadal debecsan oo fiican oo tacsi ah iyo dardaaran madaxweyne gaadhsii qoysaskoodii.

 

Maalin kal hore ahayd,oo aanu ku kulanay magaalada Hargaysa siyaasiga la yidhaahdo,mudane Khadar Macallin oo madaxweyne ka ahaan jiray dowlad deegaanka Somalida Itoobiya,waxaan la nacay qaabkii uu uga hadlayay,dhaqankii gobeed eek a dhexeyn jiray beelaha Isaaqa iyo Ogaadeenka,waxana uu nagu boorinayay in dhaqankii wanaagsanaa iyo isjeceylkii labadaas beelood lasii adkeeyo,isaga oo weliba waxgaradka reer Somaliland ku dhaliilaiay gaabisnimo iyo inay isku mashquuleen gudohoodu,oo ay baylihiyeen kaalintii laga rabay iyo xidhiidhkii meeqaanka sare lahaa ee bulshada labada beelood ka dhexeyn jjiray iyo waxaagyadii lagu yaqaanay awoowyaasheenii hore labaadeena qolo ayuu yidhi…

 

Aan kusoo laabto dhinaca dowladda federaalka ah ee Itoobiya,dowalddaasi iyadu waa jaar aad u wanaagsan oo Eebbe inoo dooray,waa ilbaxnimadii Afrikada madow,intaas ka sokow,dadyowga iyo dowladda Itoobiya abaal weyn ayay Somaliland ku leeyihiin,1981dii,1988dii ilaa 1991dii waayadii madoobaa ee inasoo maray,maalmihii la inna gumaadayay ee Sab iyo Somali la inna wada dilayay ayay innna bixisay Itoobiya oo ay inoo hiilisayoo lama colloobi karno mana caayi karnee ogaada.(mowduucan oo ka dhashay,hadaladii iyo cadhadii dadweynihii reer Gaashaamo kasoo yeedhayay ee dhacdadii Tuulada Jaamac Dubad, xagga hoose ayaan ku faalayn doonaaye,waxaan ku horreynayaa,sheeko xusuus taariikheed oo weyn lahayd,oo ka mida casharada ku xardhan buugayga “Dhacdo iyo Dhaqan” ee soo baxay 2014kii Taasoo cinwaankeedu ahaa “Gobanimadii Beeshii Hibo Garaad Afwaranle iyo Dhacdadii Tuulada Wayl-laguxidh iyo Dhaqan Gobeedkii Xaaji Ildab Dheere iyo Magdhabiddiisii Badeecadihii Safarkii Maalinguurkii Ogaadeen ee la Dhacay),

 

Dhowrkan sheeko kadib waxaad akhrisan doontaan,sheekooyin ku saabsan,sidii ay dadkii masuuliyiinta ahaa ee madaxdii dowladdii Siyaad barre ka mid aha aiyo kuwii madaxda u ahaa jabhaddii SNM u badbaadin jireen maxaabiista dagaal ee ay qabtaan ciidamadoodu gaar ahaan maxaabiista labadaas beelood u dhalatay,waxaad akhrisan doontaa janaraal Siyaad Daa’uud oo maxaabiis badan oo SNM ahaa oo la qabtay kasii daayay gacantii ciidamadii dowladdii Barre ,waxaad qaybta 2aad ka akhrisan doontaan,sheekooyin ku saabsan in aanay 1988dii markii uu soocday xasuuqii ay reer koonfureed Isaaqa ku dabargoynayeen,in aanan lagu dilin magaalooyinka Somaliland,nin Isaaq ah oo qaraabo la ahaa ogaadeenka .lasocda qaybta 2aad..

 

 

Gobanimadii Beeshii Hibo Garaad Afwaranle iyo Dhacdadii Tuulada Wayl-laguxidh

 

(Mowduucyadan hoose waxay ka midyihiin,casharo taariikheed oo muujinaya taariikhihii xidhiidhadii wanaagsanaa iyo walaalnimadii ka dhexeysay labada bulsho ee Ogaadeenka iyo Isaaqa waana mowdiuucyo ku xardhan buugayga la yidhaahdo, ”Dhacdo iyo Dhaqan” ee soo baxay 2014kii)

 

Inta aynaan nuxurka mowduuceenaas sare guda gelin,bal horta aan sawir kooban ka bixiyo,asbaabtii isu kaaya keentay, anaga oo dadkii magaalada Muqdisho ku noolaa oo soo qaxaya ahayn iyo beeshii ay ka dhalatay Hibo Garaad Afwaranle,ee Ogaadeenka oo jilibka reer Isaaq,gaar ahaan ardaayada reer Cukur iyo reer Naaleeye ee ay midkood kasoo jeedday,marwo Hibo Garaad Afwaranle, ahaa ee ku dhaqnaa tuulada badhtamaha gobolka ogaadeenya ku taalla ee la yidhaahdo Weylaguxidh,Gunagada ayay bari ka xigtaa,Wardheerna galbeed ayay ugu toosan tahay,Daroorna dhinaca howdka ayay ugu toosan tahay,tuulada Laanjaleelana dhinaca woqooyiga ayay kasoo xigtaa,Wayla lagu xidh,waxay ugu

baaleysaa deegaanka oogada,waana goobaha ugu shisheeye (bariyeeya),ee ay cidhifayada beelaha Cali iyo Haaruun ee ogaadeenka reer Isaaq iyo beelaha Habaryoonis ee reer Sh.Isaxaaq ay baadidoodu iska gaadho,waana carro reer Isaaq..

Waxaan kusoo noqonayanaa,dulucdii sheekadeenii ahayd gobanimadii Ogaaadeenka iyo guurkii Hibo Garaad Afwarnle oo gabadh beeshaa u dhalatay ahayd,uuna ku guursaday Hargaysa 1961dii wiil lagu naanaysi jiray Cidla Dege oo degaankan Hargaysa u dhashay,

 

Dadka Somalidu waxay dhaqan u leeyihiin,inay isku xidhiidhiyaan xididnimada xigtanimada iyo qaraabanimada ,waxa intaas dheer inay isku nabadgeliyaan maganta iyaga oo dhowraya milgaha iyo magaca reernimo, waxayna qofkasta oo bulshada dhexdeeda qiimo ku leh,u yaqaanaan Bir ma gaydo,sidaasna magangelin iyo martigelin iyo maamuus ayay birma gaydada ku siiyaan.

 

Waa gob iyo caadadeede beelaha dhulka howdka dega iyo gaar ahaan beesha ogaadeenka ayaa xidhiidhintaas bulshada qaraabada ah ugu sarreysa qowmiyadda Somalida,waxana ku xiga beelaha ay oogwadaagta yihiin ogaadeenka,waxana ugu liita dhinaca xidhiidhinta qaraabada beelaha xeebaha dega,haba ugusii darraadaan kuwa magaalooyinka yaala dega..

 

Hadaba markii aanu Xamar kasoo barakacnay 15kii Janawerin 1991dii,waxaanu kasoo dhaqaaqnay baar Xaraf hoteelkii la odhan jiray,halkaasoo aanu muddo laba todobaad ah isku urursanaynay,waxaanu noqonay ilaa afartameeyo baabuur oo dad qoxootiya sida,marki aanu xaaladihii si wanaagsan uga boganay,ayaanu kasoo dhaqaaqnay Xaraf goor barqo ah,habenimadina waxa aanu u hoyanay magaaladii Wanlaweyn la odhan jiray ee 90km galbeed ka jirtay,subaxnimadii 16kii janaweri ayaanu halkaasna uga ambabaxnay wadada siigada ah ee dhinaca woqooyiga uga baxda, annaga oo ujeedsanay inaanu raacno, waddo toobiya ahayd oo nagu ridaysay magaalada Mustaxiil ee xuduuda dalka Itoobiya ku taalay, taasoo aanu ugu xilanay iyada oo ahayd waddo weecsin ah,oo aanay jabhadihii Xamar ku herdamayay isticmaali jirin,dhinacna ku qumanayd jihadii woqooyi ee ay Somaliland ama Hargaysa ama Dulcad naga xigtay,

 

Socdaalkayagii Magaalooyinka Daafeed ilaa Mustaxiil

 

Markii aanu magaalada Daafeed ama Wanlaweyn gaadhnay ee aanu habeen keliya seexanay,ayaanu subaxnimadii dambe dhanka woqooyi bari waddo uga baxda aanu raacnay,waxaanu sii marnay dhul howd jiq ah,oo aanad arki karaynin qofka 5 mitir kuu jira,waxaanu sii maray tulooyin fara badan oo aan ka xusuusto Farjanno,Far-libaax ilaa magaalada Mustaxiil ee dhanka Itoobiya ah aanu gaadhnay,oo laba cisho ku nasanay,hadana aanu ka dhaqaaqnay,oo aanu maray,wadada dhinaca bariga uga baxda ee deegaanka beesha Bahgeri dhexmarta,ilaa tuulooyinka Laanjaleelo,Weylagu-xidh,Gunagada,Bulaale,dabadeedna aanu gaadhnay magaalada Dhagaxbuur ,annaga oo halkaas joognana aanu dhagaysanay,inuu keligii taliye Barre Xamar ka qaxay,oo uu tuuladii uu ku dhashay ee Burdhuubo,ee u dhoweyd magaalada Garbahaaray ee gobolka Gado tagay.

 

Waxaanu waddankii Somaliya xadkiisii kasoo baxnay, iyada oo uu weli aanu Maxamed Siyaad Barre ka cararin Xamar,ee uu kusii dhex dagaalamayay,sidaas ayaanu Xamar kagasoo cararay. Annaga oo 30 gaadhi oo wada socda dhammayn oo si nabad ah ku nimid 31kii Janaweri 1991dii, xeryihii qoxootiga ee Itoobiya ayna Dulcad ugu weynayd, ,anaga oo sagaal habeen oo keliya Xamar kasoo maqnayn,safarkayagaasi kasoo bilownay,Baar Xaraf ilaa magaalada Wanla-weyn

 

Marka aan faahfaahiyo dhacdadii layaabka lahayd ee nagu qabsatay tuuladii Weylo-lagu xidh,waxay ahayd goor duhur dabadii ah,waxaanu 5tii subaxnimo kasoo jarmaadnay tuuladii la odhan jiray Laanjaleelo,taasoo aanu habeenimadii guure kusoo gallay.laakiin markii ay caruurihii wax cuneen aanu ka dhaqaaqnay,balse intii aanan dhaqaaqin ayay laba islaamood oo gacan haadinaya nala hadleen,markaanu waraysanayna waxay noo sheegeen inay hablo Habaryoonis ah yihiin,waxay labadii dumarka ahaa noo sheegeen,inay koox rag ah oo u dhalatay beesha ogaadeenka ee jilibka reer Cabdulle ay goor dhoweyd qoryo qaateen oo ay ku talagaleen inay jidka noosii galeen kadibna ay na dhacaan,waxay yidhaahdeen hablo Isaaqa ayaanu nahay,waxaanu doonaynaa inaad sio nabad ah aad dalkiinii u gaadhaan,waxayna soo toosiyeen wiilal ay dhaleen oo qoryo sita,waxayna ku yidhaahdeen raggani waa abtiyaashine kexeeya oo dhaafiya kooxda hubaysan ee wadada hore usii gashay,wiilashii iyo aabayaashood ayaa labadii baabuur ee ugu horeeyay fuulay,waxayna naga wareejiyeen goobtii ay sii galeen budhcaddu.

Magacii Hibo Garaad Afwaranle ee Qoxootigu ku Nabadgaleen

 

Waxaanu soconaba,goor ay casar dheer iyo duhur dabadii ay tahay ayaanu gaadhnay tuuladii waylalaguxidh,markii aanu ka qadaynay tuuladii Weylalagu xidh,ee ay safarkii badankoodii baabuurtii wada fuuleen,ayay koox ila a4 nin ahayd rasaas ku fureen gaadhigii uu Axmed Xabashi waday,oo markaas ay dumarkii saarraa badhkood shidhkiisa fadhiyeen,baabuurti ayaa labadii waddo ee Weyllaguxidh woqooyiga ugasoo baxayaya ku kala yaacday,oo siigadii ayaa isqabsatay,wayna naga ada libdheen.galabtaas waxaanu moodeynay in aanu joognay, cir kaa dheer dhul kaa dheer laakiin sidaas may noqonine,illeen waxaanu dhex joognay dad wanaagsan kalgacal noo hayaya,islamarkaana waa gob iyo caadadeede xididnimo nagu xidhiidhiyay.

 

Caqligayaga waxaanu is leeyahay xaalkiinu waa cir kaa dheer dhul kaa dheer,maxaayeelay xilligaas dhulka Somalidu degto colaad weyn ayaa ka aloosnayd,waxana lasoo gaadhay degaamadii aad looga dareemayay dagaaaladii khadhaadhaa ee u dhexeeyay ciidamadii SNM iyo ciidamadii dowladdii Siyaad Barre, ee dalka Somnaliland oo dhan ka socday mudada dhowrka sano ku dhoweyd,labadaas dhinac oo ay kala taagersanaayeen beelihii Isaaqa oo dadkan safarka ah u badnaa iyo beelihii ogaadeenka oo beeshii tuuladan Weylaguxidh degan ka mid ahayd.

 

Dareemadaas waxay odhanayeen, waxa dhici karta,in nin walaalihiis ama adeeradiis ay ku dhinteen dagaaladaas SNM waday,raggaasoo ka mid ahaan karayay, ciidamadii Barre ka ee ka dagaalamayay Hargaysa , oo geeriyaysani inuu aargoosi wax ku dilo ama wax ku yeelaan dadkan safarka ah ee Isaaqa u badan, marka uu arko,iyada oo uu dareenkaasi jiray ayay xabaddii qaraxday,dabadeedna illeen horaa loo yidhi,rag diday geel diday wuu ka xun yahaye,iyada oo aan waxba la isweydiinin ayay darawaladii gacanta fududaa ay baabuurtii ku boodeeen oo ay degdeg u istaadheen,kadibna ay argagax dartii leewarka sii wada qabteen,oo jaanta wadheen,

 

Aniga oo u dhawaa gaadhigaas ay budhcaddu xoogga ku qaadaysay,welibana arkayay inay xaggiisa hore saaran yihiin