Cabdiraxmaan Koronto oo ka tagay Idaacada BBC-da

0
75

London (Waaheen):- Wariye Cabdiraxmaan Koronto oo ka mid ahaa shaqaalaha  laanta afka Somaliga ee BBC da ayaa  isla markaana ahaa tifatirihii hore ee Idaacadaasi ayaa waxaa uu maanta macasalaameyey shaqadii uu ka hayey Idaacada BBC da

bbc Abdiraxmaan Koronto

 

Saxafigan Cabdiraxmaan Koronto ayaa waxa uu shaqaalaha Idaacada BBC da uu ka mid noqdey sanadkii 2000 isla markaana waxa uu ka shaqeynaayey muddo 16 Sanno ah .

Cabdiraxmaan Koronto waxaa intii uu shaqaynayay uu ka soo qabtay BBC howlo warbaahineed oo baaxad leh, isagoo soo qabtay jagooyin kala duwa sida Tifaftire, Soo saare sare, barnaamij soo saare dhinaca Raadiyaha iyo Online-ka.